Hoggaanka Cusub Ee SOLJA Oo Si Rasmi Ah Xilkii u Tirsaday

0
435

By: Khadar M. Dhako
 
Hargeysa(Dawan)- Hoggaanka cusub ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa shalay si rasmi ahย ย xilkii ugalaย ย wareegay Hoggaankii hore ee ururkaasi, kadib markii la soo af-jaray khilaaf ka dhashay shirweynihii todobaad ee ururka oo bishii hore ka qabsoomay magaalada Hargeysa.
Munaasibad loo sameeyay xil-wareejinta ururka SOLJA ayaa lagu qabtayย ย Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana xafladaasiย ย ka qayb-galay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta, Guddoomiyihii hore ee Ururka SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, Guddoomiyaha cusub iyo suxufiyiin kale oo tiro badan.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo halkaas ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in hogaanka SOLJA ay kala shaqayn doonaan sidii aqoon saxaafadu u heli lahayd, waxaana uu yidhi โ€œwaxaanu balanqaadaynaa, in aanu la shaqayno hogaanka cusub ee SOLJA, waxaana kula shaqaynaynaa sidii saxaafadu aqoon u heli lahayd, gacanna waanu ka siinaynaaย ย oo waa ka mid waajibkayaga in aanu aqoon u raadino saxaafada madaxa banaan.
Waxa kale oo aanu ka wada shaqaynaynaa in xeerkii saxaafadaย ย ee jiray ee xeer 27 iyo xeerkii anshaxa ee jiray in aynu dhaqan galino.โ€
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in hawlo badani ay u yaalaan hgoaanka cusub ee ururka SOLJA, waxaana uu yidhi โ€œwaxaan leeyahay Illaahay xilka ha u fududeeyo, hogaankan SOLJA, waxaana u yaala hawlo badan, waxaana fiican inay higsadaan himilooyin fiican oo sare, oo ay tababaro u helaan suxufiyiinta oo kor u qaadaan tayada saxaafada oo la horumariyo.โ€
Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland Maxamed Cabdi Curad ayaa isagunaย ย waxa uu tilmaamay in muddadii ay xilka hayeenย ย ay xooga saareen difaaca xoruyatul qawlka, waxaana uu yidhi โ€œhaddii aanu hogaankii hore nahay mudadii aanu xilka haynay waxyaabo badan ayaanu xooga saarnay, waxyaabaha aanu xooga saarnay waxa ka mida difaaca xoriyatul qawlka iyo xuquuqda suxufiyiinta.โ€
Guddoomiyihii hore ee Ururka SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay tahay markii u horaysay ee guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen loo doorto hogaanka SOLJA, saxaafada madaxa banaan waxaana uu yidhi โ€œmida xaqiiqada ahi waxa weeyaan qof suxufi dhaba oo jecel in la gumaystoย ย ma jiro. Dalka in la gumaysto oo dadka la gumaysto malaha suxufiga jeceli marka hore ayaanu ahayn mid jira.โ€
Xasan Maxamed Yuusuf waxa kale oo uu intaas raaciyay โ€œIllaahay nagama dhigo kuwa noocaas ku sifooba, waana markii u horaysay ee hogaanka SOLJA guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen ka noqdaan, suxufiyiin ka tirsanย ย saxaafada madaxa banaan.
Soomaalidu waxay tidhaahdaa beenaale, ma hubsade ayaa ka liita laakiin anigu waxaan isleeyahay waa markii u horaysay ee SOLJA cid madax banaan gacanta u gesho.โ€
Guddoomiyaha cusub ee ururka suxufiyiinta Somaliand ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac ayaa waxa uu balan qaaday in uu u taagnaan doono difaaca saxaafada. Cidna aanu uga baqan doonin xilka loo igmaday iyo dacaayado laga faafiyo, waxaana uu yidhi โ€œintii aanu meeshan nimid walaac badan ayaa la naga muujinayayย ย oo la leeyahay hogaanka yimid xukuumada ayaa ka danbaysa oo keentay, Faysal Cali Sheekh ayaa ugu horeeyey wax saxaafada madaxa banaan oo hogaanka SOLJA qabta, 12 sano ka bacdi saxaafadii madaxa banaanayd gacanta ku dhigtay SOLJA, waxaana filayaa waxa laga waayay labadii hore in maanta hogaanka tallada qabtay laga helo,, maadaama aan maantaย ย xilka qabtay SOLJA maย ย ihi nin uga baqaya dacaayad meel laga sheego xaqa iyo waajibaadka i saaraan.โ€
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here