Komishanka Doorashooyinka Iyo Axsaabta Oo isku Laab-xaadhay Kulankoodii u Horeeyay

0
376

By: Axmed M.Saleebaan
 
Hargaysa (Dawan)- Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa markii ugu horraysay kulan la yeeshay Saddexda Xisbi qaran ee KULMIYE, UCID Iyo WADDANI,  kulankaasi oo lagu sheegay isbarasho iyo inay labada dhinac ka wada hadlaan sidii hawlaha doorashada loo dhaqaajin lahaa.
 
Kulanka oo saxaafaddu dibadda ka joogtay markii uu dhamaaday ayaa waxaa saxaafadda la hadlay masuuliyiintii asxaabta qaranka uga qayb galay shirkaasi, kuwaasi oo si isku mid ah uga warbixiyay waxyaabihii lagaga hadlay kulankaasi iyo dareenkooda ku aadan qabsoomida doorashada madaxtinimada dalka ee la filayo in ay qabsoonto sannadkan.
 
Jaamac Shabeel oo ka tirsan masuuliyiinta sare ee Xisbiga KULMIYE ayaa ugu horrayn kahadlay ujeedada kulankaasi waxaanu yidhi “Shirka aanu Komishanka la galay wuxuu ahaa isbarasho, waxay ahayd in Xubnihii Xisbiyada ee la shaqaynayay Komishanka iyo guddida doorashooyinku ay isbartaan. Wuxuu ahaa fadhigii ugu horreeyay ee ay yeesheen, waana la is magac bartay, Telefoonada waa la kala qortay sidii loo wada shaqayn lahaana waa la isla gartay, waana laga balamay hawlaha dambe iyo sidii loo dhaqaajin lahaa”
 
Musharax xigeenka Xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan oo isna ka hadlay kulankaasi  ayaa wuxuu yidhi  “Wuxuu ahaa kulankii ugu horeeyay ee Isbarashada ahaa, si fiican baanu isku qaabilay, waxaanu isku sheegnay in la isa siiyo kalsoonida labada dhinacba horena waa la isku siiyay ee in la sii xoojiyo, waxay ka warbixiyeen safarkoodii, waxay ka warbixiyeen halkay hawli u marayso,, waanuna ku qanacnay warbixinta ay na siiyeen”
 
“Komishanka ayaa noo yeedhay, waxaa joogay Saddexda Xisbi Qaran xubno ka socda, Komishankana todobadii xubnoodba way dhamaayeen.  Aayado Quraana ayaanu ku furanay, waa la isbartay oo Magacyada ayaa la isku akhriyay, dabadeedna Gudoomiyaha Komishanka ayaa xoogaa yar oo warbixin ah naga siiyay wixii ay qabteen tan iyo markii Baarlamaanku ansixiyay. Way nala wadaagaan walaaca iyo wararka ah in wakhtigu yar yahay waxaanuna siinay Kalsooni” ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale oo Xisbiga Waddani ka socday.
 

Leave a Reply