Machadka CSI Oo Tababar u Furay Shaqaalaha Wasaarada Khaarajiga

0
367

Hargeysa(Dawan):- Machadka shaqaalaha dawladda ee CSI ayaa tababar u furay hawl wadeenada wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland, kaasi oo kor loogu qaadayo xirfadooda dhinaca shaqada.
Agaasimaha MachadkaShaqaalaha Dawladda Prof.  Maxamed Mixille Boqore oo ka hadlay xaflad Salaasadii loo sameeyay furitaankii tababarkaasi ayaa  sheegay in wasaaradda Khaarajigu ay tahay wasaaradaha la doonayo in tababaradoodu noqdaan qaar aad u sareeya si ay uga lib keenaan himilada qaranku u igmaday.
“Maamulka Wasaaraddu waa halka ay wax ka dhaqaaqaaan  in  wax badan la idinka  baraana waa mid muhiimadeeda leh waliba idinku waxaad xidhiidho kala duwan la yeelaaysaan caalamka waayo waxaad tihiin arrimihii dibada markaa waa in xidhiidhkiina maamul  noqdaa mid sarreeya  oo si hufnaan leh aan u hawl-gashaan,”ayuu yidhi Prof. Maxamed Mixille Boqorre.
Prof. Mixille waxa uu ugu baaqay shaqaalaha fursada u helay tababarkan inay ka faa’iidaystaan isla markaana  ay wakhti iyo maskax siiyaan sidii ay u korodhsan lahaayeen aqoon iyo waayo aragnimo.
Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Arrimaha Dibadda Cabdirisaaq Maxamed Siciid Gees oo isna ka war bixiyay muhiimadda Tababarkaasi waxa uu yidhi  “Dufcadani waa tii ugu horraysay kuwo dambena way ku xigi doonaan waxaana  noo qorshaysan sanadkann in aanu tababarro dibada ah u dirno shaqaalaha Wasaaradda oo aanu aqoontooda kor u qaadno,waxaanay u bixi noonaan dalalka jaarka oo aanu balan qaadyo badanna waanu ka haysanaa.”
 
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Mawliid Maxamuud Ibraahim oo isagu rasmiyan u furay tabobarkaasi ayaa sheegay in hawl-wadeenada wasaaradaasi la siin doono tabobaro badan oo joogto ah oo lagu horumarinayo xirfadooda.
“Aad baan ugu faraxsanahay in tababarkan loo qabto shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda waana tababar casri ah oo ku cusub shaqalaaha dawladda waxaanan rejaynayaa in aad ka faa’iidaysataan,waxaa la idibku tababarayaa waa shaqadiinii, waxa la idin barayaanna waa qaybo ka mid ah shaqada aad haysaan, waxaan idiin rajaynayaa inaad si wanaagsan uga faa’iidaysan doontaan daruustaas,”ayuu yidhi Wasiir Ku xigeenka Khaarajigu.
Machadka shaqaalaha dawladda ayaa sameeyay maamul wanaag iyo horumar balaadhan, waxaanu machadkaasi noqday jaamacadaha ugu wanaagsan Somaliland, isagoo leh xidhiidho caalami ah isla markaana shahaadadiisa laga aqoonsan yahay dalal badan. Waxa kale oo uu wada shaqayn la leeyahay machadyo badan oo ka jira dalka dibadiisa.

Leave a Reply