Aabo Maraykan Ah Oo Wiil uu ku hinaasay timaha ka jaray

0
352

Nin u dhashay dalkaasi Maraykanka ayaa wiil ay jaar ahaan jireen timaha kaga xiiray mindi kadib markii uu ka hinaasay, waxaanu ninkaasi arkay wiilkaasi oo inta badan guri jooga, taas oo keentay inuu sas ka qaado kadibna maalintii dambe qabto kadibna timaha ka xiiro.
Wiilkan ayaa da’ahan gaadhaaya 19 sanno jir, isaga oo aad u yaqaaney caruurta uu dhalay ninkaasi, taasina ay keentay inuu marar badan booqasho ugu yimado caruurtaasi, waxaanu dhawr jeer ku arkay ninkani isaga oo wiilkaasi la socda xaaskiisa iyo sidoo kalena hablo uu dhalay, taas oo ahayd ta keentay inuu hinaaso.
Ninkan ayaa lagu magcaabaa Reginald Hardy ayaa ah 38 jir,waana aabo muddo usoo shaqaynaayey ciidamada dalkaasi Maraykanka,waxaanu hadda degan yahay magaalada Reading oo kamid ah gobolka Pennsylvania ee dalkaasi Maraykanka.
Ninkan ayaa wiilkan timaha kaga jaray meel madbakha ah ,taas oo uu u isticmaalay mindi ,taas oo uu kaga jaray mindi halkaasi taaley oo ay u isticmaalayeen cuntada.
Wiilkan ayaa isku deyey inuu isu sheego ninka guriga leh,kadibna ninkii ayaa wiilkaasi gacanta ku dhigay,isaga oo isku deyey inuu baxsado,laakin taasi may noqon mid uu ku guulaysto ,waana ta keentay in la qabto. Ninka falkan geystay ayaa markii la xidhay ,iyada oo su’aalo weydiinaayey muddo maalmo ah.

Leave a Reply