Magaalo Jarmalka Ku taala oo qaadanaysa qaxoonti heli doona guryo iyo lacag bilaasha

0
350

Magaalo ku taala dalkaasi Jarmalka ayaa noqotay magaalada keliyaata ee sannadkan soo dhiibtay dalab ku aadan qaadashada dadka qaxoontiga ah ee ka haajiraaya meelaha kala duwan ee caalamka ah,gaar ahaana meelaha dagaaladu ka jiraan.
Magaaladan ayaa dadka taga la siinayaa lacag iyo guryo bilaash ah ,kuwaas oo dadka loogu talo galay in lagu degaameeyo,waxaana magaaladan lagu magcaabaa Goslar ,waana magaalo kamid ah magaalooyinka ugu qadiimi san dalkaasi Jarmalka.
Waxay sidoo kalena kamid noqotay magaalooyinka ugu quruxda badan dalkaasi Jarmalka ,waxaana ku yaala dhul taariikhi ah oo ay ilaaliso hay’ada UNESCO ,waxaana kamid ah meelo la dhisay qarniyo hore ,gaar ahaana dugsiyo la dhisay  qarnigii 16-naad.
Nasiib daro dadka degaankaasi degan oo ahaan jiray 50,000 toban sanno ka hor ayaa iminka ah 4000 oo qof,taas oo hoos u dhac ku keentay ,waana sababtay u qaadanayso dadka qaxoontiga ah ,iyada oo u baahan dad lagu kabo.
Iskuulada halkaasi ku yaala ayaa gebi ahaanba xidhmay ,iyada oo aanay jirin ubad badan oo joogaa,waxaanay dawlada hoose ee magaaladaasi dalbatay qaxoonti meeshay doonaan caalamka haka yimaadaane in lasoo dejiyo magaaladaasi,waxaana dadkaasi loo diyaariyey lacago,waxbarasho iyo shaqooyin.

Leave a Reply