Wasiirka Duulista oo Dhagax-dhigay Dhisme Dab-demis Oo Laga Hirgalinayo Madaarka Hargeysa

0
390

Hargeysa- (Dawan) Wasiirka wasaaradda duulista hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa dhagax-dhigay dhisme weyn loo hirgalin doono waaxda dab-demiska ee madaarka Cigaal.
Dhismahan oo isugu jira hoosooyin loogu tallo galay in la dhigo gaadiidka dab-demiska, iyo kayd biyood ayaa waxa lacagta ku baxaysa bixinaysa xukuumadda Somaliland, Munaasibad kooban oo loo qabtay dhagax-dhiga dhismahaas  ayaa waxa ka qayb galay masuuliyiin uu ka mid yahay agaasimaha guud ee wasaaradda duulista, Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan, iyo maamulka madaarka Cigaal.
Wasiirka duulista Maxamuud Xaashi Cabdi, oo munaasibadaas ka hadlay ayaa sharaxay baahida loo qabay dhismahaasi waxaanu yidhi, “Illaahay ayaa mahad leh waxanu maanta (shalay) dhagax-dhigaynaa xarun cusub oo aynu u samaynayno qaybta dab-demiska garoonka caalamiga ah ee Cigaal uu yeelan doono, xaruntani waxa ay ka kooban tahay hoosooyinkii gaadiidka waaweyn ee casriga ah ee aanu garoonka keenay ay gali lahaayeen ee ku filnaa iyo taangi weyn oo biyood oo gaadiidka dab-demisku ay biyaha ka qaataan waqtiyada uu dabku jiro, waana qaybta keli ah ee ka dhiman maanta garoonkeena,”
Wasiirka duulista ayaa sidoo kale intaasi ku daray, “Xukuumaddan maanta uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxay ku dedaalaysaa oo ka go’an in aanu kor u qaadno adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaale, annaga oo ka duulayna siyaasadda ka wasaarad ahaan waxa bar-tilmaameed noo ah inaanu garoonkan caalamiga ah ee Cigaal ee caasimadda aanu casriyeyno, korna u qaadno adeegyadiisa kala duwan dhinaca nabadgelyada, bad-qabka, dhinaca Terminallada, iyo wixi la mid ah,  markaa runtii waxaanu ku tallo jirnaa in aanu mashruucan dhamaystirno ka hor xilliga Runway-ga diyaaraduhu ku dagaan korodhsiimadeedu uu dhamaanayo, iyo xayndaabka oo imika gabogabo ku dhaw, dhamaantiina la qiimayan doono waqtigaas, garoonku  xilligaa  wuxuu noqon doonaa garoon weyn oo casri ah oo mid ka mid ah kuwa ugu qiimaha badan geeska Afrika, oo ilaa derajadiisu tahay toban (Category Ten), ujeedadaas ayaa laga leeyahay mashruucan waxaa ku bixi doona lacag ilaa boqol kun oo doollar ah (100.000$) oo dawladda Somaliland ay bixinayso, runtii waxaanu rajaynaynaa inay si fiican u qabyo tirto shirkada Daryeel ee dhisaysaa.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply