China: Dadka Dewersada Oo Shebeg Lagu Xidho, Raashina Lagu Siiyo

0
412

Dadka dawarsanaya  ayaa si khasab ah lagu geliyaa Shebeg loogu talo galay oo xabsi ah , kaasi oo ku yaal suuqa dhexdiisa.  Shebegaasi ayaan laga furin ilaa inta ay dhamaanayso xaflad diimeed halkaasi lagu qabto sanadkiiba hal mar oo ay iskugu yimaadaan dhamaan dadka shiinaha ahi. Xafladan ayaa caado diimeed ay leeyihiin dadka Shiinaha ahi. Dad badan oo dawarsada ayaa xafladda dhex wareegaysta iyagoo waydiisanaya dadka lacag, laakiin wakhtigan waxa loo sameeyay goob lagu xidho, laguna quudiyo ilaa inta ay xafladu ka dhamaanayso. Xaflada diineedkan ayaa ka dhacda magaalada Jainxi ee dalka Shiinaha. Shebegga lagu xidho aya ah mid gaaban oo aanu qofku is taagi Karin, oo ciqaab ku ah. Marka xafladu dhamaato ayaa laga furaa dadkaasi shebegga. Dad badan ayaa iska daayay dawaradii markii ay ka waayeen lacagihii ay dadku siin jireen. Goobta xafladda lagu qabto ayaa ah suuq caan ah oo ay ka furan yihiin dukaamo, huteelo, iyo dhamaan ganacsiga kala duwan.

Leave a Reply