Diiwaan-gelinta Madaniga ah Oo Laga Bilaabay Degmooyinka GobolkaMaroodi-jeex

0
356

Hargaysa (Dawan): Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha Somaliland Cabdisamad Cumar Maal ayaa si rasmi ah u shaaciyey in wajigii labaad ee diwaangelinta madaniga ahi ay ka bilaambayso deegaanada hoos yimaada gobolka Maroodi-jeex iyo guud ahaan gobolka Hawd.
Agaasimaha guude ee wasaarada arimaha gudaha Somaliland Cabdisamad Cumar Maal waxa uu sidaasi ka sheegay munaasibad loogu qabtay ambabaxa kooxaha diwaangelinta oo look ala diray degmooyinka Sallaxley, Sabawanaag, Daarasalaam iyo Degmooyinka hoos yimaada gobolka Hawd, waxaanu tilmaamay inay wax badan ka tarayso hawlaha diwaan galinta oo mudooyinkii ugu danbeeyey ka socday gobolada dalka qaarkood.
Mudane Cabdisamad Cumar Maal ayaa ugu baaqay shacabka kala duwan ee reer Somaliland ee ku dhaqan goobaha diwaan galintu ka socota iyo kuwa hada laga bilaabayba inay la shaqeeyaan shaqaalaha ka shaqaynaya diwaan galinta waxaanu agaasimuhu yidhi “Waxaanu halkan ka raraynaa tiimamkii diwaan galinta qaar ka mida magaalada Hargaysa, waxaanuna u raraynaa degmooyinkii ku xeernaa magaalada Hargaysa oo ay ka mid yihiin degmooyinka shanta ah ee  darajada D-da ee Daarasalaam ay ka mid tahay, Fara-wayne ka mid tahay, Dacar-budhuq ka mid tahay, inaanu geyno iyo degmooyinka hoos yimaada gobolka Hawd, intaas ayaanu u dajinay in aanu u dirno tiimamkan, anagoo degmooyinka kale gaadhi doona, markaa tiimamkan waa qaar ka mida shaqaalaha diwaan galinta oo u guuraya Salaxlay, Baligubadle iyo Daarasalaam kuwa kalana maalmaha soo socda ayaanu rajeenaynaa”
Maxamed Cabdi Daa’uud oo ka mida gudida heer qaran ee uu magacaabay madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo oo loo xil saaray inay ka shaqeeyaan  diwaan galinta madaniga ayaa faahfaahiyey sida ay shacabku ugu diyaarka yihiin inay qaataan kaadhka aqoonsiha “Shaqaalahani degmooyinkii iyo miyigii ayey u baxayaan halkaas ayey dadka indhaha, sawirka iyo farahaba ay kaga soo qaadi doonaan, faraha, indhaha iyo sawikaas oo looga jeedo in qof kastaa oo Somaliland ahi tilmaamtiisa gaarka ah ee uu leeyahay la helo si hadhaw horumarkeena iyo ogaansha aanu dadkeena ogaanayno iyo doorashooyinkeena oo tayo u sameenayno ayaa diwaan galintaa loo sameeyey”
Badhasaabka gobolka Maroodi Jeex Maxamed Maxamuud Jeeniyare ayaa isaguna madashaasi ka hadlay wuxuuna tilmaamay inay gobol ahaan ay ku farax san yihiin inay ka bilaabaan degmooyinka hoos yimaada gobolka M/Jeex isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Diwaan galintu halkan yey ka bilaabmatay gobolkan M/Jeex, waana meesha qudha ee ugu horaysay ee lagu tijaabiyey dalkeena ama gobaladeena, waana ku najaxday, ka bdhasaab ahaana doorka aanu ku leenahayna waxa weeye siyaasadii iyo nabad galyadii, saaxiibadayda kale ee badhasaabada ahna waxaan u soo jeedinayaa in iyagan illahy xilka u fudeediyo iyo culayska ay leedahay hawsha tan ee diwaan galinta.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply