Booliska Oo Sheegay In Ay Tallaabo Ka Qaadayaan Kooxaysiga Dhalinyarrada

0
342

Hargeysa (Dawan)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in hawl gallo ciidanka Boolisku ay sameeyay horraanta sanadkan cusub ay ku soo qabqabteen Mukhaadaraad tiro badan, waxaanu farriin adag oo digniin ah u diray dhalinyarada Kooxaha isku disha ama dadka u waxyeelaysa koox-koox.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeyo Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, isaga oo arrintaasi ka hadlayana uu yidhi “Todobaadkii u dambeeyay iyo kan aynu horraantiisii ku jirnaba Ciidanka Boolisku wuxuu fuliyay hawlgalo balaadhan oo wajiyo badan leh, kaasi oo ku wajahnaa Mukhaadaraad iyo dhalinyaro Koox isku disha oo sanadkii horena hawlo badan ciidanka Boolisku ka qabtay oo ilaa 550 Sharciga la hor geeyay xukunno kala duwana ku xukumay”
 
 
Taliyaha oo hadalkiisa sii watay ayaa sharaxay Mukhaadaraad Ciidanku qabtay “Wuxuu todobaadkan Ciidanka Boolisku qabtay Mukhaadaraad aad iyo aad u fara badan, kaas oo isugu jira Xashiishad iyo Khamriba. Illaahay mahadii waxay Ciidanku gacanta ku dhigeen saddex Xidhmo oo Xashiishad ah oo sida Jaadka dhaadheer loo xidhay iyo Saddex Eedaysane iyo Baabuur, waxaana la hor gayn doonaa Sharciga, Ciqaabna way mutaysan doonaan.”
“Sidoo kale Ciidanka boolisku waxay qabteen Khamri dhan sagaal boqol iyo shan (905 Litre) Litir. Khamrigaas waxaa lagu qabtay hal Eedaysane iyo laba Baabuur, waxaanu Magaalada Hargeysa ka soo galay laba jaho. Khamriga iyo Xashiishadu waxay ka mid yihiin waxyaabaha amaanka khal-khal galiya” ayuu yidhi Taliye Cabdillaahi Fadal.
Taliyaha Booliska Somaliland ugu dambayn waxa uu sheegay in Ciidanku si adag uga hawl galay xakamaynta Tahriibta islamarkaana Dhalinyarada Somaliland ee tahriibaysa uu soo qabto. Waxa uu sheegay in 180 Qof oo ka mid ah Qoomiyadda Oromada oo tahriibaysa lagu qabtay Meelo kala duwan oo dalka ah islamarkaana dib loogu celiyay Ethiopia. Wuxuu Taliye Fadal farriin u diray dhalinyarada Rabshadaha kasamaysa Magaalooyinka dalka, kuwaasi oo uu sheegay in Ciidanka Boolisku ka qaadi doono talaabo adag.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply