Korea: Ku Rid Sanduuqa Ilmaha Dhasha Ka Dibna Iskaga Tag

0
450

Dalka Koonfurta Kuuriya  Wadaadka Lee Jong-Rak ayaa Fariintan u gudbiyay bulshada “Haddii aanad  rabin in ilmaha kuu dhasha aad korsato, waxaad si fudud ugu ridi kartaa sanduuqa halkan la dhigay ka dibna riix jalaska ku xidhan, kana fogow oo iskaga ag tag”. Adeega noocan cajiibka ah oo muran badan dhaliyay waxa bilaabay wadaadka Kiristaanka ah ee la yidhaa  Lee Jong-Rak.  Waxaana uu ka bilaabay xaafad ay degan yihiin dadka faqiirka ah iyo shaqaalaha dawladda ee caasimadda Seoul, ka dib markii ay bateen caruurta dhalata ee la tuurayo. Ninkan aya dhigay sanduuqa xafadaasi waxaana uu dadka u sheegay in hooyada aan rabin Ilmaha dhasha ay ku ridi karto sanduuqaasi iyadoon is dhibin ilamahana tuurin ama dilin, jalaskana ay garaaci karto.  Wadaadkan Kiristaanka ah ayaa sheegay in arintani ay taageero u tahay sharciga ay dawladu ka soo saartay in la ciqaabi doono qofka tuura ilmihiisa marka uu dhasho.  Sawirkan ayaa ah Hooyo ilmaheeda ku ridaysa sanduuqa oo ay kamarad qarsooni sawirtay.

Leave a Reply