Isu soo bax Ballaadhan oo ka Dhacay Baariis

0
412

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay magaalada Paris ee Faransiiska, halkaasoo in kabadan milyan qof ay ka banaanbaxayaan dilkii  toddobo iyo toban qof ee  ay dileen islaamiyiin mayal adag.
In kabadan afartan hogaamiyayaal ayaa ka soo qayb galaya banaanbaxa, oo ay ka mid yihiin madaxweynaha Falastiiniyiinta iyo Ra’iisalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, si ay u muujiyaan midnimo  looga soo horjeedo islaamiyiinta mayalka adag.
Kumanaan boliis iyo askar ayaa ammaanka ilaalinaya, iyadoo ciidamada loo tababaray inay wax toogtaan la saaray dhismayaasha korkooda.
Dilka ayaa bilaabmay Arbacadii, iyadoo la weeraray shaqaalaha wargays sawir gacmeed. Waxay dhamaatay Jimcadii markii ciidamada ammaanka ay joojiyeen afduubyo dad lagu haystay dhismo shirkad wax daabacda iyo dukaan cunto ee Yahuuda ay leedahahay ee magaalada Paris.

Leave a Reply