Boorama (Dawan): Warar aanu ka helayย gobolka Awdalย ย ayaa sheegaya in habeen hore ay ciidamaddaย ย federaalka Itoobiya ay qabteen Suldaan Abubakarย ย Cilmiย ย Waabar iyo kooxo taabacsan,ย ย oo mudooyinkanba ku dhuumaalaysanayay soohinta u dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiyaย ee dhinaca gobolka Awdal.
Sida ay ย DAWAN u xaqiijiyeen ilo wareedyo aanu ka helnay deegaankaasi, waxay sheegeen inย ย ciidanka federaalka Itoobiya ayย ย niskii dambe ee habeen hore ย gacanta ku dhigeen Suldaan Wabar iyo koox la socotay kuwaasi oo joogay deegaanka la yidhaahdo Marraaley oo ka tirsan deegaanka ย ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Masuuliyiinta Afka Xidhay
Maย ย jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Dawladda dhexe ee Federaalka Itoobiya iyo Somaliland midna ย oo la xidhiidha ย in qabashada Suldaanka nabad-gelyo darrada waday ee lagu raad-joogay labadii bilood ee la soo dhaafay.
Masโuuliyiintaย ย ย xukuumadda Somaliland ee ay arrintani khusayso sida Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde iyo badhasaabka gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayir, oo aanu xalay marar badanย isku daynay in aanu wax ka waydiino arrintaasi ayaanay noo suurtogelin ka dib markii ay telefoonadooda gacanta naga qaban waayeen. Dhaqankaas oo ah mid masuuliyad darro, iyagoo aan ka hadal warka Suldaankaasi oo ummadu u jeelanayd isla markaasna tibaaxa xadhigiisu ay is-burinayeen. Loona baahnaa in Maamulka gobolka Iyo wasaaradda daakhiligu ay dhacdadan aanay indhaha iyo dhegaha labadaba ka qarsan.
Wasiir Waran-cadde ayaa isugu laasimay inaanu Telefoonada qaban, waxaana inta badan isticmaala telefoonkiisa mid ka mid ah askarta ilaalada u ah oo isna wasiirkiisa kaga xariifsan inaanu u jawaabin dadka Telefoonka ka soo waca.
Inkasta oo wararka aanu ka helay Boorame iyo Qun-ujeed ay labaduba ka sinaayeen xaqiijinta xadhiga Suldaan Wabar, haddana ma jiro wax tafaasiil ah oo ku saabsan habkii hawl-galkaasi u dhacay iyo halka loo dhaadhiyay Midna.
Af-xidhashada masuuliyiinta dawladdu waxa uu fursad siiyay in wararka is khilaafsan ee Suldaankaas la xidhiidhaa ay aad u bateen, iyadoo mareegaha Internet-kuna xalay oo dhan ay midiba si uga faallootay dhacdadan.
ย
Dad La Xidhay Shalay
Dhinaca kale wararka naga soo gaadhaya isla gobolka Awdal ayaa sheegaya in shalay ay ciidamada ammaanku ย ayย ย ย ka soo qabteen meel u ย dhow degmadda Qun-ujeed, nin sheegtay inuu yahay Suldaan Geeska Afrika iyo koox la socotay.
Ninka la qabtay oo magaciisa lagu sheegay ย Maxamed Cabdi Shidde, oo ay shalay ย ayaa isaga iyo kooxdiisiiba waxaa la soo weriyay ย in la geeyay ย saldhiga dhexe ee Boorama, inkasta oo tibaaxo aan la xaqiijini ay sheegeen in xalay kooxdaasi lagu sii daayay damiin.
Ninkan iyo kooxda la socotay oo ka soo jeeday galbeedka Burco, ย waxay wateen laba baabuur oo ah nooca dalka naadirka ku ah ee la yidhaahdo HAMAR-ka, iyadooย dad goob joogeyaal ahi ku soo warameen in lagu qabtay Hub iyo rasaas ay u wadeenย Suldaanka ย la qabtay.
Ninkan iyo kooxdiisa ayaa la sheegay inay ka tageen magaalada Hargeysa, hase yeeshee waxa dhicisoobay qorshe ay doonayeen inay kula kulmaan Suldaan Wabar iyo xubnaha kooban ee fikrada qaran dumiska ah kula socotay.
Suldaan Abuubakar Cilmi Wabar, oo ka mid ah madax-dhaqameedka gobolka Awdal ย ee mudada yar jiray, ayaa isagu muddo hadda laga joogo laba bilood waxa uu ku dhawaaqay inuu ka soo horjeedo jiritaanka qarannimada Somaliland, isla markaana uu ku dhawaaqayo maamul goboleed hoos tagi doona Soomaaliya. Arrintaasi oo ah jariimad culus oo uu ku mutaysan karo in lagu qaado โKhaaโinul wadanโ. Waxaanu dhaqdhaqaaqyo nabad-gelyada wax u dhimaya ka waday soohdinta u dhaxaysa Somaliland Iyo Itoobiya.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office