Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhaqan-geliyay Xeerka Komishanka AIDS-ka

0
378

Hargaysa (Dawan):  Madaxweynaha  Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhaqangeliyay Xeerka xakamynta Guddida heer qaran ee Komishanka   AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu xalay soo saaray oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Maxamed (Duhuxul), xeerkaasi oo ay dhawaan ansixiyeen goleyaasha sharci dejinta.
War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/WM/240-2909/012015 ku dhaqangeliyey Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014
Madaxweynuhu:-Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF-26/645/2014 ee
ku taariikhaysan 05/01/2015 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Guddida
(Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014.
Wuxuu Soo Saaray: Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply