Qiimaha Iyo Fadliga Allah Ka Cabsiga

0
1367

Abuu Umaamah al-Baahili (RC) wuxuu sheegay inuuu dhageystay khudbadii Rasuulka Allah (S.C.W.) uu jeediyey xajkii ugu danbeeyay waxaan uu yidhii: ” Xurmad iyo tixgelin gaara siiya Allah (sw) iyo amaradiisa, oo ooga shanta salaadood maalin kasta, bisha Ramadaan sooma, bixiya sekada, maqlana oo adeeca kuwa xilka iyo mas’uuliyadda idin haya (wanaagga ku adeeca) waxaad geli doontaan markaa Jannada Rabbigiin.  Tarmidi ayaa ku weriyay Xadiis Xasan ah
 Abuu Saciid al-Khudri (RC) wuxuu Rasuulka (scw) ka weriyay inuu yidhi: ” Adduunyadu waa doog waana macaan tahay. Allah ayaa  xilkeedii idiin dhiibay, oo inaad wakiil (KHaliif) ka noqotaan idiin doortay, si uu u eego habka aad uga hawlgaleysaan oo aad ugu dhaqataan adduunka. Markaa iska Jira dhaldhalaalka adduunka iyo soo jiidashadeeda dhalanteedka ah, iyo fasaadka ka dhalanaaya ee la xidhiidha dumarka  ( Dumarka aan sharciga lagu banaysan) Reer banii Israa’iil fidnadii u horraysey waxay kaga timid xagga dumarka.”    (  Werin Muslim)
Cabdullaah ibn Mascuud (RC) waxaa laga soo xigtay in Nebigu (S.C.W.) ku duceysan jirey: ” Allahayow waxaan kaa baryayaa hanuun, ilaalinta xilka iyo waajibka aad i saartay, dhawrsanaan iyo kheyr xaggaaga ah “.         (Muslim)
Caddayi ibn Xaatim (RC) waxaa laga soo xigtay in Nebigu (S.C.W.) yidhi: ” Haddii uu qof ku dhaarto oo ballan qaado inuu camal sameeyo , ka dibna arko camal kale oo ka wanaagsan kii hore, waa inuu sameeya camalka wanaagsan ee dambe.”         (Muslim)
 
 

Leave a Reply