“Dadka Reer Buuhoodle Waa Somaliland Waxase ay u Baahan Yihiin Kasbasho”

0
385

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle Cismaan Ciise Maxamed,ayaa guul qaran oo u soo hoyatay Somaliland ku tilmaamay Kastam canshuureed  dakhli qabasho oo ay ka hir galiyeen magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Buuhoodle.
Guddoomiyaha Gobolka  Buuhoodle waxaa kale oo uu intaa ku daray in ay wax kastaba ay  ka horraysiiyeen  ka shaqaynta nabad gelyada dadka walaalaha ah ee wada dega gobolka Buuhoodle oo uu tilmaamay in cadawga Somaliland ka shaqeeyo isku dilkooda taana ay ka gudbeen imikana dadka deegaanka ay nabad iyo wanaag ka dhex beereen kana adkaadeen cid kasta oo  wadda isku dilka iyo colaadaha  bulshada walaalaha ah.
Gobolka Buuhoodle Cismaan Ciise Maxamed, waxa kale oo uu ka war bixiyay waxyaabaha u qabsoomay  muddada kooban ee uu xilka hayay, waxaanu sidaasi ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Dawan.
Ugu horran Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle oo aanu weydiinay muddadii uu xilka hayay waxyaabaha u qabsoomay iyo guud ahaan xaalada nololeed ee dad iyo duunyo ee gobolka uu guddoomiyaha ka yahay,ayaa ku jawaabay.
“Gobolka la ii magacaabay ee Buuhoodle horta deegaanada kale ee Somaliland oo dhan wuu ka duwan yahay oo waxaa ku furan  oo  mar kasta isku dayaya in ay danahooda Somaliland-diidnimo ka fuliyaan cadawga Somaliland  o kala ah Maamulada Muqdisho, Garoowe iyo kooxda Eerigoo ee Cali Khaliif, laakiin dhul ahaan iyo dad ahaanba waa Somaliland waxaanay u baahan tahay, hawl badan, tacab adag iyo adkaysi lala yimaado, iyadoo dadka deegaankana wax qabad iyo  dhanka horumarka  iyo aayahooda wanaagsan la tusayo oo dhab ah, markaa imika tallaaboyinkii ugu horreeyay ee bud-dhigga u ahaa horumarka gobolka Buuhoodle si wanaagsan ayuu noogu bilaabmay meel wacanna way noo maraysaa.”
Guddoomiye Cismaan oo aanu weydiinay illaa imika tallaabooyinka ay Maamul ahaan qaadeen iyo kuwa  gobolka ka hir galay ee shaqeeyay, ayaa ku jawaabay.
“horta maalin kasta waxbaa la qabanayaa  hawl iyo shaqana ma dhamaato oo mar kasta oo aad wax qabataba waxbaa kuu hadhsan, laakiin waxaa ugu muhiimsanaa ee intaan xilka hayay noo qabsoomay isla markaana ahayd furitaankii Kastamka magaalada Buuhoodle, markii aanu Kastamka ka furnay magaalada Buuhoodle ee  dakhli qabashadu ka bilaabantay gudaha magaalada Buuhoodle waxay dhabar jab ku noqotay cadawga Somaliland oo ku riyoonayay in hannaan lacag qabasho iyo dakhli uruurin ahi in aanu Somaliland uga hir gali Karin magaalada Buuhoodle laakiin waxaa u cadaatay in aanay xumaantoodu uga soconayn  deegaanka gobolka Buuhoodle, maanta waxaa si habsami ah shaqadiisii u wata Kastamkii magaalada Buuhoodle oo si  sharci ah u qabanaya dakhli canshuureedkii ku waajibay gaadiidka xamuulka ah.”
Mudane Cismaan Ciise Maxamed waxa kale oo uu intaa raaciyay “waxaa kale oo aanu wadnaa in aanu kor u qaadno ilaha dakhli ururinta ee gobolka Buuhoodle oo dhan,waxaa kale oo si wanaagsan uga shaqeeya oo gobolka ku sugan wasaaradaha  Arrimaha Gudaha, Waxbarashada, Caafimaadka, Deegaanka iyo Maaliyadda, shaqaduna waa intaas oo aanu ka sii kordhino uun.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle
Guddoomiyaha gobolka Buuhoodle oo aanu waydiinay dhibaatooyin colaadeed oo deegaanka ka jiray sida ay uga hawl galeen iyo  halka ay  u marayso  nabadaynta beelaha deegaanka gobolka Buuhoodle,ayaa ku jawaabay.
By: Fasal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply