Masar: Nin Dhalinyaro Ah Oo Farxad U Dhintay

0
377

Yasir Ibrahim oo ah Wiil dhalinyaro ah oo da’diisu ahayd 25 sano, ayaa ku geeriyooday magaalada Qaahira. Wiilkan ayaa dhintay ka dib markii uu ku guulaystay inuu qiimhii caadiga ah ee jabnaa uu ku helo Tiin Gaasta  cuntada lagu karsado ah. Ibrahim ayaa muddo saddex saacadood ah sugayay inuu ka helo bakhaar ku yaala suuqa qadiimka ah ee Qaahira kaasi  oo  kayuu loogu jiray Gaastaasi jaban. Qiimaha Gaasta cuntada ayaa kor u kacay dalka Masar waxaana uu Tiinku gaadhay 50 Giniga Masar ah.
Ciidanka Booliiska ayaa cadeeyay in wiilkan markii loo dhiibay Tiinkaasi uu dhiigiisu kor u kacay, taasina ay keentay inuu galo Xaalad miyir la’aan ah.  Qaraabada wiilkan ayaa isku deyay in dhakhtarka la gaadhsiiyo laakiin nasiib daro dhiig karka ku dhaftay ayaa sababay in markiiba ay naftu ka baxdo.
Booliska ayaa sheegay in wiilkani uu degena xaafadda Beeraha ee magaalada Qaahira. Dadkii kayuuga ku jiray ayaa markii uu la soo baxay oo wejigiisu bedelaa u malaynayay inuu ka maadsanayo kuwaasi oo ku qoslayay muuqaalkii uu muujinayay ee farxaddu ka keentay ilaa ay ku warheleen dhicitaankiisa.

Leave a Reply