Wasaaradda Shaqada oo Deeq Gaadh-siisay Xarun Lagu Dhaqan-celiyo Caruurta darbi jiifka ah

0
403

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada ee Somaliland ayaa deeq gaadhsiisay caruurta lagu xannaaneeyo xarunta  dhaqan celinta iyo daryeelka ee xaafada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.
Agaasimaha waaxda arimaha bulshada ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada mudane Cabdi Cabdilahi Xassan ayaa sharaxaad ka bixiyey u jeedada deeqdan la soo gaadhsiiyey caruurta iyo sida ay wax uga tarayso baahiyaha caruuta xaruntan lagu dhaqan celiyo waxaana uu yidhi “xarunta xanaanaynta iyo dhaqan celinta caruurtatan runtii wax ku kalifay arimahan waa dayacaad, qaarkood waan waraystay hadeer, dee caruurtii waxay u baahan tahay in 24kii saacadoodba laga war hayo ilaa intay korayaan ee waa waynaanayaan lana quudiyo wax walbana laga ilaaliyo ayey u baahan yihiin maydaan arkay runtii caruurtan markii la soo qaadayey, laakiin hadii aad aragto hogogbay ku jireen oo hoy u ahaa oo ay habeenkii dhaxanta ka dugsanayeen, waxa aad aragteen dhaxan iyo dhibaato ayaa dibada kaga dhacaysay, markaa waxa laga hawl gali doonaa in wixii la dhaqan celiyey ee waxbarashadooda dhamaystay  in markaa lagu celiyo waalidkood mudo yar oo kooban ayaa lagu tala galay caruurta inay halkan ku noolaato maaaha markaas wax mudo dheera, mudadaa yar waxa weeyi marka hore caruurta dayacu ku dhacay laga tarbiyadeeyo oo tarbiyad wanaagsan helaan waxbarshadooda ay helaan, caafimaadkii iyo daryeelkii ay helaan”
Fatxiya Saleebaan Axmed oo ah madaxa xarunta dhaqan celinta iyo daryeelka caruurta ee xaafada Maxamed Mooge ayaa sharaxaad balaadhan ka bixisay baahida ay caruurtan u qabeen inay helaan deeqo noocan oo kala ah, iyadoo u mahad naqday cid kasta oo gacan ka gaysata taageerida bini’aadanimo ee loo muujinayo da’a yarta xaruntan lagu xanaaneeyo iyada oo arimahaa ka hadlaysa ayaa waxay tidhi “maanta alxamdulilaah 51 caruura ayaanu ku soo xaraynay xaruntan Maxamed Mooge, caruurta xaruntan ku jirtaa way fara badan yihiin imika kuwii hore galasyada ayey ku jiraan ee wax baranaysa lana mid ahaa kuwaa manta aanu keenay ee cusub ee aan waxba baran ee bilaa hooyada iyo aabaha ah ee agoomaha ah, ama kuwa hooyada lihi inta hooyada sooqa tagto ay u doonto wixii ay cuni lahaayeen aanay war u hayn wixii guriga ka dhacay, waxaan leeyahay umada muslimiinta ah ee ILLAAHAY wax siiyey ay ka mid yihiin shirkaduhu ILLAHAY dartii ubadkaa ha u soo caawiyaan, dariiqyada ku cadilan oo dhiska ha u biiriyaan oo xanaanada ha u biiriyaan oo macalimiinta noo joogta way yar tahay ee ha noo biiriyaan oo wax walba ha u qabtaan oo ha ka naxaan caruurta suuqa ku dayacan”
Waxa sidoo kale madashaa ka hadlay masuuliyiin ka socday hayadaha iyo masuuliyiinta ay wada shaqaynta lee yiiin maamulka xaruntan lagu daryeelo caruurta darbi jiifka ah.
Xaruntan dhaqan celinta caruurt ee xaafada Maxamed Mooge ayaa lagu hayaa caruur tiro badan oo laga soo kala kaxeeye magaalooyinka gobolad Somaliland ka kooban tahay, ayaa waxa ay halkaasi ka helaan waxbarsho, daryeel caafimaad iyo walibana mid aqooneed.
BY: Cabdi M.Safwaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply