Xisbiga WADDANI Oo Madaxweynihii Hore Ku Tilmaamay Inuu Ka Soo Jeeday Beel Laga Tiro Badan Yahay

0
410

Haegaysa (Dawan):- Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa Madaxweynihii hore ee Somaliland  Md. Daahir Rayaale Kaahin ku tilmaamay inuu ahaa Hoggaamiye ka soo jeeday beel laga tiro badan yahay.
 
Sidaasna waxa daboolka ka qaaday  Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Siciid Sulub oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee rukumada u ah xisbiga WADDANI, kaasi oo waraysi siiyay toddobaadkan  Telefishanka Universal, Waxa kale oo uu  xaqiray kaalintii ALLE ha u naxariistii madaxweynihii geeriyooday ee Marxuum- Maxamed Ibraahim Cigaal.
Siciid Sulub oo bahdilayay madaxweynihii uu la soo shaqeeyay waxa uu yidhi   “Waxyaabaha aanu ku difaaci jirnay  Daahir Rayaale, aniga iyo Cawil waxay ahayd, waxa uu noqonayay maynoorati (Minority), waxaanu  arkaynay in uu iibin geyn karayay  Somaliland, ina Cigaal Illaahay ha u naxariistee waxa uu odhan jiray caalamku  dhabarka ayuu innoo soo jeediyay, caalamku caynkan ayuu sidan iyo sidan ayuu innagu yidhi  intii  Rayaale yimid  caalamka oo dhan ayaa inoo furmay, dawladaha waaweyn oo dhammi waa inna soo booqdeen oo wufuud kala gedisan ayaa innoo timid.”
Siciid Sulub waxa uu xukuumadda ka dhalatay xisbiga KULMIYE ku eedeeyay inay naaxisay qabyaalada,waxase uu kafishmay markii la weydiiyay waxa uu isagu  ku door-biday Xisbiga WADDANI.
“Anigu kuma gelin qabyaalad. Waxyaabaha qaranimadeenna wax u dhimi doona waxa ka mid ah qabyaaladii oo qaranimadii ka horaysiinayno, xataa xisbiyadii aynu doonaynay in aynu kaga baxno qabyaalada, maanta waxa ay marayaan in qaab qabiil loo sameeyo, Kulmiye ayaa u aabo  ah qabyaalada oo waad og tihiin oo doorashadii uu qabtay  qabiil ayuu ku qabtay, ninka la  sharaxayaana waa qabiillooyin  ayaa lay isugu hayaa,”ayuu yidhi Siciid Sulub.
Arrintani waxay fadeexad ku tahay xisbiga WADDANI oo haddii aanu raali-gelin ka bixin ay ku noqon doonto bar-madow oo mustaqbalkooda saamayn taban ku yeelata.
Khadar Maxamuud Cismaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply