Dadweynaha Caasimadda Oo Ku Waaberiistay Qorshaha Cusub ee Waddo-marista

0
349

Hargeysa (Dawan)- Dadawaynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa, ayaa shalay subax ku waa bariistay dhaqan galinta qorshaha cusub ee isu-socodka caasimada wasaaarda arrimaha gudahu ay  u dajisay oo ah (one way) wadada koobaad iyo wadada labaad ee badhtamaha magaalada mid jiho u soconayaan.
Subaxnimadii hore ayaa wadooyinkaas lagu arkayay saraakiisha ciidamada booliska iyo ciidamada nabad galyada wadooyin oo kala horrayay gaadiidka isla markaana ku armaray inay raacaan nidaamkan cusub ee loo dajiyay.
Arrintan ayaa dadwayanaha caasimadu ka bixyeen aragtiyo kala duwan, qaarkood oo wargeyska DAWAN la hadlay ayaa aaminsan in qorshahan cusubi uu fududayn doono habkii isu socodka caasimada, halka kuwo kelana ay u arkayeen qorshahani in uu yahay mid aan suurtagal noqon Karin, isla markaana  ay ka dhalanayso Jaah-wareer iyo habsaan badan.
Faysal Xariir, oo ka mid ah darawalada waawayn ee ka shaqeeya magaalada Hargeysa oo la hadlay wargeyska Dawan  ayaa sheegay in qorshahan cusubi uu fududayn doono habkii isu socodka caasimada islamarkaana uu wax wayn ka badali doono saxmaddii hore uga jirtay caasimada, waxaanu yidhi “runtii qorshahan cusub ee ay wasaaradda arrimaha gudahu soo rogatay waxaan u arkaa mid wax wayn ka tari doonta saxmaddii  waddooyinka caasimada ka jiray isla markaana fududayn doono habka isu socodka caasimada Hargeysa”.
Maxamed Cali Caamir (Maadhiin) oo ah ganacsade degan magaalada Hargeysa, oo shaxaraya dareenkiisa  arrintan ku aadan ayaa yidhi, “qorshahan cusub ee ay soo rogtay wasaarada arrimaha gudahu ee haadka kaliya ah (one way)  laga dhigayo labada waddo ee halbowlaha magaalada Hargeysa, waxaan qabaa in aanu  saaka (shalay) aanu ku   jaah-wareernay, sidoo kale nidaamkan cusubina uu keenay dib-u-dhac kii hore u jiray ka badan”.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade, ayaa shalay dhankiisa warbaahinta uga waramay kormeer uu ku sameeyay jidadka magaalada iyo sida ay u socoto hirgelinta nidaamkan cusub, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “waddooyinkii magaalada aad bay isku badashay wixii dhinacan koonfureed u soconayay waxaa ka yaraaday baabuurtii iska hor imanaysay ee wadada cidhiidhiga ka dhigayay, waxaana yaraaday cidhiidhigii baabuurtii iska horimanaysay ee keenaysay dib u dhaca iyo in aad saacado badan ku jirto wadada, waxaan ugu talogalnay qorshahan xaga amniga sida caruuraha subaxdii iskuulada tagaya in wakhti hore ay gaadhaan, calaamadihiina waanu ku rakibaynaa meelaha ay wadooyinka iska soo galayaan iyo meelaha kale.”
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland mudane Cali Maxamed Waran-cadde waxa kale oo uu intaa ku daray “qorshahan iyo ka bilicda waxaanu doonaynaa sanadkan in aanu bilowno. waa maalintii kowaad, waanay jiraysaa jaah-wareer in uu yimaado, laakiin waxaan rajeynayaa in dadwaynahu ay la qabsadaan maalmaha dambe.”
By. Yoonis M. Jaamac
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply