Dhakhtar U Dhashay Maraykanka Oo Ku Guulaystay Inuu Bedelo Midabka Indhaha Dadka Bilaa Qalab

0
376

Dhakhtar dhinaca qaliinada ku takhasusay laguna magcaabo Kenneth Rosentha ayaa markii ugu horeysay ku guulaystay inuu bedelo midabka indhaha dadka ,isaga oo aan isticmaalayn wax qalab ah oo  badan,waxaanu bedelay muddo 15 ilbidhiqsi ah midabka mid kamid ah macaamiishiisa indheheeda,isaga oo u adeegsanaaya hab caafimaad.
Dhakhtarkan ayaa ku guulaystay inuu bedelo wiilka ishaasi ,isaga oo bedelay midabka wiilka,taas ayaana noqotay mid keentay inay dad badani usoo doontaan bedelaad dhinaca wiilasha indhaha ah,waxaana sida ay qortay Daily Mail halkaasi isugu yimid dad badan oo indhaha ka cabanaayey ,kuwaas oo ay ku dhaceen xanuuno kala duwani.
Rosenthal ayaa waxa markii ugu horeysay u timid gabadh isha ka cabanaysay ,iyada oo muddo xanuun ula ildarayd ishaasi,waxaanu muddo yar gudeheed ku guulaystay inuu wiilka ishaasi wax ka bedelo ,isaga oo adeegsanaayey qalab yar oo ay  ka samaysan Silicon qalabka loo yaqaano ,taas oo ahayd walaxda loo adeegsaday in wiilkaasi lagu bedelo ,gaar ahaana midabka wiilkaasi.
Inta badan waxa indhaha lagu soo daweeyaa wadanka Australia ,taas oo qaadata waqti badan iyo lacago aad u tiro badan intaba,taas oo la rajaynaayo in laga raysto ,madaama oo ay dhakhaatiirta dalkaasi Maraykanku  helay khubaro  dhanka indhaha ah.
 
 
 

Leave a Reply