Guri Ku Yaala Liverpool Oo Lagu Iibiyey $1.5 Dollar-ka Maraykanka Ah

0
360

Guri ku yaala magaalada Liverpool oo ay lee dahay dawlada hoose ee magaalada Liverpool ayaa noqday guriga ugu jaban caalamka ,iyada oo lagu iibiyey lacag dhan $1.5 dollar-ka Maraykanka ah,sidaasna waxa lagu sheegay warbixin lagu qoray AFP,iyada oo uu gurigani yahay mid duug ah oo kasoo hadhay guryihii hore ee dalkaasi laga isticmaali jiray.
Sawir qaade booqday gurigaasi ayaa sheegay inuu markii hore rumaysan waayey arrintan laakin uu xidhiidh la sameeyey dawlada hoose ee magaaladaasi,taas oo uu ka codsaday inay u cadayso warkan waxa ka jira,waxaanu sheegay in la siiyey warbixin dheer oo ka hadlay gurigan iyo sababah loo iibinaayo ,loona siinaayo intaasi.
Nin kamid ah dadka magaaladaasi ayaa markii dambe iibsaday gurigaasi isaga oo sheegay inuu soo dalbaday gurigan ,kadibna booqasho ku yimid meesha uu ku yaalo ,taasina ay keentay inuu ku qanco kadibna iibsado,waxaanu tilmaamay inuu dib u dhis ku sameeyey gurigaasi ,isaga oo ku bixiyey dib u hagaajintiisa lacag dhan 60 gini oo lacagta dalkaasi Ingiriiska ah.
Dawlada hoose ee magaaladaasi ayaa heshiis kula gashay ninkaasi inuu dib u hagaajin ku sameeyo gurigaasi ,sidoo kalena waxa lagula heshiiyey in aanu iibin ilaa uu deganaado ama lahaanshihiisa haysto muddo shan sanno ah mooyaane.
Qaar kamid ah xisbiyadda mucaaridka ah ayaa sheegay inay dawladu doonayso inay xaraashto hantida dadka,iyaga oo eedaymo dusha ka saaray,waxaanay sheegeen inay awoodi weyday inay iyadu dhisto guryahaasi iyo meelaha kale ee dadku wada lee yihiin.
Gurigan ayaa sidoo kale xayeysiiskiisa la geliyey Barnaami la yidhaahdo Help To Buy,taas oo la doonaayey in dadka lagu ogaysiiyo,waxaanay taasi keentay inay dad badan soo jiidato arrintaasi.
 
 

Leave a Reply