Ilmaha Oo Toddobaadkii Laba Jeer loo maydho Waxay Ku Filan Tahay Nadaafadiisa

0
393

Daraasad cusub oo ay sameeyeen khubaro ka socotay dalkaasi Ingiriiska ayaa lagu sheegay in ilmaha oo toddobaadkii loo maydho laba jeer ay keento inuu helo nadaafad dhamaystiran,iyada oo lagu saleeyey daraasadan warbixino laga diyaariyey caruur yar yar oo dadka daraasada wadey ay booqasho ugu tageen.
Kooxdan ayaa sheegay in loo baahan yahay in ilmaha loo adeegsado waqtigaasi uu yar yahay tuwaal hafiif ah iyo sidoo kalena biyo diiran ,kuwaas oo gaadhaaya kulayl ahaan 35 ilaa 37 C,waxaanay dhulka oolayaan muddo si aanay ilmaha waxyeelo ugu geysan,waxaanay dirimaadka biyahaasi ka dilayaan jeermiska jidhkiisa saaran ama laga heli karo siday kooxdani sheegtay.
Sidoo kalena waa in loo isticmaalaa saabuuno iyo waxyaalo kale oo u gaara ilmahaasi si nadaafadiisa loo ilaaliyo ,iyada oo laga ilaalinaayo inay wada isticmaalaan isaga iyo dadka waaweyni alaabooyin isku mid ah,iyada oo awooda la saaraayo saabuunaha dawooyinka ka samaysan,sidoo kalena inta loo maydhaayo awooda la saaraayo meelaha laalaabatooyinka ah.
Daraasadan oo ay ka qayb qaadatay jaamacadda Oxford iyo Liverpool ayaa lagu soo gunaanaday in loo baahan yahay in biyuhu aanay noqon kuwo ka qabooba inta loogu talo galay,sidoo kalena waxyaalaha maryaha ah ee ilmaha loo isticmaalayaa ay noqdaan kuwo nadiif ah oo ilmaha u gaar ah.
 

Leave a Reply