Majaajileyste lagu Xidhay Faransiiska

0
359

Dieudonne M’bala M’bala oo ah majaajileyste muran badan dhaliyay ayaa lagu xidhay Faransiiska, kaddib markii uu baraha bulshadu ku wada xidhiidho soo dhigay fariin uu taageero ugu muujinaya ninkii weerarray dukaan weyn oo Paris ku leeyihiin Yuhuuda.
Weerarkaasi waxaa ku dhintay shan qof oo uu ka mid yahay ninkii weerarka fuliyay.
Ninka weerarka fuliyay ayaa sidoo kale maalin ka hor weerarka toogasho ku dilay haweeney boolis ahayd, waxaana la rumeysan yahay in uu xidhiidh la lahaa labadii nin ee walaalaha ahaa ee fuliyay weerarkii lagu qaaday wargeyska Charlie Hebdo.
Dacwad oogayaasha Faransiiska ayaa furay kiis ka dhan ah majaajileystaha, oo ay ku eedeeyeen in uu “u naxay argagaxiso”.
Dieudonne ayaa horay loogu eedeeyay Yuhuud naceyb. Waxaa sanadkii 2013-kii uu caan ku noqday salaantii Naziga ee quenelle.
Salaantaasi ayaa waxaa muujiyay ciyaaryahan Nicolas Anelka, kaddib markii uu gool u dhaliyay kooxda Inigriiska ka dhisan ee West Bromwich Albion, waxaana taasi ay dhalisay in la ganaaxo.
 

Leave a Reply