“Waa kaa Siciid Sulub Rayaale oo Wasiir ka dhigay ka Xishoon waayay Ee ummaddii Awdal-ba”

0
529

Hargaysa (Dawan):  Af-hayeenka madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa naqdiyay hadallo uu Siciid Sulub oo ka tirsan xisbiga Waddani  ku kala saraysiiyay beelaha Somaliland, isagoo beesha gobolka Awdal ku tilmaamay in ay  tahay beel laga tirro badan yahay.
Waxaanu sheegay Md. Dhuxul, in aanay shacabka reer Awdal aanay geyin ama mutaysan in lagu tilmaamo  dad la faquuqay, hase yeeshee ay yihiin kuwii dhidibadda u taagay nabadgeliyadda iyo qaran-nimadda Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana ay yihiin dad ay ku faanaan dhamaanba bulshadda reer Somaliland.
 
Axmed Saleebaan Dhuxul, oo shalay waray DAWAN, ayaa sidoo kale xisbiga Waddani ku eedeeyay in aanu lahayn wax barnaamij siyaasadeed ah, isla markaana barnaamijkoodu uu yahay kala qaybinta iyo kala qoqobidda beelaha  iyo shacbiga reer Somaliland.
Hadalka Dhuxul ayaa jawaab u ahaa ama daba socday, war ay warbaahintu baahisay oo ka  soo yeedhay Siciid Sulub oo ah siyaasi ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. waxaanu tilmaamay Af-hayeenku    in Siciid Sulub uu ku gefay, kuna xadgudbay xuquuqdooda Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin iyo beesha gobolka Awdal, isla markaana uu ku sheegay in ay yihiin  beel laga tirro badan yahay.
 
 
 
Waxa kale oo uu tilmaamay Dhuxul in  Daahir Rayaale uu isagu Siciid Sulub wax ka dhigay,  balse aanu Rayaale ku tiirsanayn ama wax ku ahayn Siciid Sulub iyo cid kale midna, isla markaana uu madaxweynenimadda ku noqday iyadoo ay dhamaanba shacabka reer Somaliland si buuxda ugu codeeyeen.
 
Waxaanu xusay Af-hayeenku in Siciid Sulub uu xaqiray meelna kaga dhacay xuquuqda ummadda reer  Awdal, iyadoo  guud ahaanba dadka reer Somaliland ay isku xuquuq yihiin, isla markaana ay u siman yihiin muwaadin-nimadda dalka.
 
Waxaanu yidhi “Waxaa la yaab leh xubin sare oo ka tirsan xisbiga Waddani Siciid Sulub in isaga oo  ku hadlayay afka iyo aragtida ay qabaan xisbiga Waddani uu sheegay kelmaddo meel ka dhac ku ah, oo aflagaado ah oo weliba xaqiiqada aad uga fog in ninkaasi uu dhawaan warbaahinta mariyay, waxaanu hadalkaasi gefka ahi u gaystay dadka gobolka Awdal iyo Madaxweynihii hore ee qaranka Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu yidhi “Siciid Sulub Daahir Rayaale wuxuu ka soo jeedaa beelaha laga tirada badan yahay, sidaas darted ayaanu aniga iyo ninka la yidhaahdo Cawil u difaaci jirnay. Haddaba  Siciid Sulub Rayaale ayaa wax ka dhigay, oo wasiir ka dhigay, isaga ayaa Siciid Sulub Rayaale wax ku ahaa laakiin madaxweynihii hore Daahir Rayaale, isaga (Siciid Sulub) iyo qayrkii midnaba waxba kuma uu ahayn, waxa uu ahaa nin shacabka reer Somaliland meel ay joogaanba ay soo doorteen, una doorteen hogaanka ummadda ayuu ahaa, qof la odhan karo ama cid buu wax ku ahaa, ama bee lama qabiil ayuu wax ku ahaa ma aha, ee waxa uu hogaamiye ku ahaa qaranka iyo sharafta shacabka reer Somaliland, oo u doortay hogaanka ayuu u ahaa madaxweyne. Siciid Sulub isaga ayaa Daahir Rayaale wax ku ahaa, ee Rayaale waxba kuma ahayn”.
 
“Siciid Sulub, waxaan leeyahay aad iyo aad ayaan uga xumahay arrintaasi aflagaadada ah ee uu sheegay, waxa kale oo uu sheegay Siciid Sulub  isagoo arrintaasi hore la ogaa sida uu uga hadlay codkeedii la hayo isagoo hadana mar labaad dafiray ayuu yidhi waa beesha labaad. Somaliland sida aan sheegay a kala laha sumado iyo beelo kala sareeyaa ma jiraan shacabka reer Somalilandna waa isku mid gobol kasta  ha degaane waa dad u siman qaran-nimadda dalka, waana dad mid ah. Dad dabaqo iyo xeerar loo kala samayn karo ma aha, isagaa sheegi Siciid Sulub halka uu ku tiriyay ee uu ku ogaaday beesha koowaad iyo beesha labaad iyo beesha saddexaad ee uu sheegayo” ayuu yidhi Af-hayeenka madaxtooyadu.
Af-hayeenka madaxtooyadu, isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Siciid Sulub, waxaan leeyahay  dadka reer  Awdal marka hore waa laf-dhabarta  shacabka Somaliland, waa dadkii odayaashii, aqoon yahankii iyo siyaasiyiintii ay sida weyn kaalinta nabadeed ee maanta dalkani ku naaloonayo uga qaatay, 21-kii oday ee reer Boorame  ee gobolkasta oo Somaliland ah nabadayntiisa ka qayb qaatay, waa ta aan maanta weligeed la ilaawaynin oo sooyaal taariikheed oo dhigan noqon doonta mida uu qaranku dawlad ku yahay,  ee haybadda iyo sharafta ummaddani ka dhigan tahay. Waxay ahaayeen  dadkii hormuudka ka ahaa, waa aqoontii iyo ilbaxnimadii dadka reer Somaliland meel kastaba ha joogaane way ku faanaan gobolka Awdal iyo shacabkiisa.”
 
“Waxaa la yaab leh in Siciid Sulub iyo   xisbiga Waddani isagoo siyaasadiisa iyo af-gaartiisa fulinaya  in ay maanta la yimaadeen in ay shacabka Somaliland kala qoqobaan, in ay beello iyo dabaqado kala sareeya u sameeyaan, waa wax aan maanta looga fadhiyin, marka la eego halka aan marayno, xaalada aynu marayno iyo halka ay maanta shacabka reer Somaliland joogaan, oo sida dimuqraadiyadda leh, ee sharafta leh, ee dib-u-dhiska leh iyo sida qarankani  dhismihiisa hareeraha looga taagan yahay, oo xukuumadda uu hogaaminayo madaxweyne Axmed Siilaanyo, ay maalin kasta oo timaadaba u tahay maalin wax-qabad, in xisbiga Waddani-na ay maanta bilaabeen in ay sidaas u kala qayb qaybiyaan shacabka reer Somaliland” ayuu yidhi md. Dhuxul.
 
Dhinaca kale Af-hayeenku waxa kale oo uu ku eedeeyay xisbiga Waddani in ay faro-geliyeen doorashadii hogaanka ururka dhalinyaradda Somaliland ee SONYO, waxaanu tilmaamay in Waddani olole ka galay sidii aanu kursiga hogaanka ururkaasi u qabsan lahayn qof ka soo jeedda gobolka Awdal.
“Waxa kale oo la ogaa ururka la yidhaahdo SONYO  oo ah urur dhalinyarro oo ay ku bahoobeen dhalinyaradda reer Somaliland, oo loo doortay hogaanka innan ka soo jeedda gobolka Awdal  iyo innan ka soo jeedda gobolka Sool, waa la ogaa ololihii  ay ka galeen xisbiga Waddani, macnaha ay ololahaasi  u wadeen xisbiga Waddani  waxay ahayd  malaha waxay is lahaayeen xubnaha gobolka Awdal ka soo jeedaa uma qalmaan, waayo erayadan danbe ayaa cadaynaya ficiladoodii hore.”
 
Sidoo  kale af-hayeenku waxa uu sheegay in aanay xukuumaddu u dul qaadan doonin dhaqamadda ay la soo baxeen masuuliyiinta ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani. Waxaanu yidhi “Xukuumadda talladda haysaa marnaba u dul qaadan mayso in dad noocaasi ah,oo bulshadda ku dhex jira, oo dadka kala qaybinaya, oo u kala ab-tirinaya, oo kala saraysiin ummadda kula dhex jira, marnaba xukuumadani u dul qaadan mayso. Xukuumadani horumar ayay ka shaqaynaysaa, horumarkana waxaa qayb weyn ka ah isku duubnidda  shacabka reer Somaliland. Waana waajibaad xukuumadda uu faray dastuurka qaranku in sharaftooda la ilaaliyo, in xuquuqdodda la difaaco, in karaamadooda la difaaco iyo in wax kasta oo midnimadooda wax u dhimaya la difaaco, taasi xukuumadda ayuu waajib ka saran yahay.
cid kasta oo hadallo noocaasi oo kale ah, oo aad u raqiis ah la yimaadana xukuumadu u dul qaadan mayso, Siciid Sulub-na arrintani lagaga hadhi maayo, waayo waa arrin nabad geliyadda dhaawacaysa, waa arrin karaamadda qaran-nimadda dhaawacaysa. Waxaanu leenahay shacabka reer Somaliland waa shacab isku mid ah,  oo leh xuquuq isku mid ah, waana umad siman sida uu dastuurka qaranku cadaynayo.  Ummad kaalin koowaad, iyo mid labaad iyo mid saddexaad midna lagu arkayo ma aha.”
 
 
Waxaanu intaasi ku daray oo  uu yidhi “Waxaanay tani cadaynaysaa xisbiga Waddani ee mar walba shacbiga Somaliland ay waydiinayaan, cayda iyo af-lagaadadda iska dhaafa, oo keena barnaamijka siyaasadeed ee aad leedihiin,  oo ay weli keeni kari laayi’aan. Xaqiiqdiina barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga Waddani waa kala qoqobidaasi  ummadda, waa qabiil u kala sheegidaasi beelaha, waa kaa Siciid Sulub kii wax ka dhigay  ka xishoon waayay. Madaxweyne Rayaale oo siciid Sulub ka dhigay Wasiirr waa kaa ka xishoon waayay, ee isagii iyo ummaddii dhamayd  ee gobolka Awdal-ba  gefka iyo waxa aan qaban kula kacay.  Shacabka reer Awdal maynooritiga iyo waxa uu Siciid Sulub ku tilmaamay ku noqon maayaan,  cid kale oo uu wax ku tilmaamayna ku noqon mayso,  erayadaasina waxay ka mid yihiin kuwa uu qof masuul sheeganayaa ku hadlayo, ee taariikhdana reedka ku yeelan doona weeyi.”
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply