Wiil Uu Dhalay Actor-ka Jackie Chan Oo Maxkamad La Horkeenay Dalka Chine

0
422

Wiil uu dhalay ninka reer Chine ee filimada metela Jackie Chan ayaa maalintii jimcihii la horkeenay maxkamad ku taala magaalada Beijin ee dalkaasi Chine ,iyada oo lagu qabtay daroogooyin ,taas ayaana keentay in la horkeeno maxkamadaasi wiilkan uu dhalay Jackie Chan oo isna lagu magcaabo Jaycee Chan,sida lagu sheegay wargeys lagu magcaabo Legal Aevinaj News ,waxa uu sheegay inuu doonaayo inuu noqdo maalin maalmaha kamid ah nin ka hadla khatarta ay lee dahay daroogadu.
Wiilkan yar oo da’aan gaadhaaya 32 jir ayaa maxkamad ku taala magaalada Beijin la horkeenay ,iyada oo xukunka lagu ridi doonona ay ka dhur sugayaan dadka u dhashay dalkaasi Chine,waxaanu noqday mid aad loo xiisaynaayo kiiskiisu.
Ciidamada amaanka ayaa sheegay inay gurigiisa ka heleen daroogooyin badan kuwaas oo gaadhaaya ilaa 100 gram oo daroogo ah,iyaga oo intaasi ku daray inay baadhitaano kale ku hayaan guriga iyo meelaha kale ee looga shakisan yahay inuu dhigi jiray daroogooyinkaasi ama ku iibin jiray.
Metelaaga weyn ee Jackie Chan ayaa sheegay mar uu warbaahinta la hadlaayey inuu aad uga xishoonaayo in inankiisii lagu soo oogo dambi la xidhiidha daroogo,gaar ahaana nooca loo yaqaano Marijuana ,isaga oo intaas raaciyey inuu rajaynaayo inuu maalin uun ka heli doono khibrad ku saabsan dhibta ay lee dahay daroogad.
Jackie Chan ayaa ah xubin kamid ah guddida la dagaalanka daroogooyinka ,kuwaas oo la sameeyey sannadkii 2009 ,looguna talo galay inay la dagaalamaan daroogooyinka iyo cida soo gelinaysa intaba.
Inta badan dadka lagu qabqabto dambiyada daroogooyinka ayaa dalkaasi Chine lagu xukumaa xabsi daa’in ,iyada oo laga war sugaayo waxa lagu xukumi doono wiilkan uu dhalay ninkan caanka ah ee aflaamta metela.

Leave a Reply