Xukuumaddu Maxay Ku Macnaysay Qorshaha Cusub Ee Wado Marista Hargeysa?

0
360

Hargeysa (Dawan): Wasiirka Arrimaha guddaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa faah-faahin ka bixiyay is-bedel lagu sameeyay  isku socodka waddooyinka marra badhtamaha caasimadda Hargaysa gaar ahaana Wadadda wadnaha.

Wasiir  Waran-cade, ayaa hore  Wargeeto  uga soo-saaray qorshe cusub oo uu u dejeyay isu socodka gaadiidka magaalada Hargeysa, gaar ahaan Waddada hor-marta Madaxtooyadda oo laga dhigay hal Haad in ay Gaadiidku maraan, iyo waddada labaad ee magaalada ee daba marta cisbitaalka guud, taas oo shalay hirgashay.

Cali Maxamed Waran- Cadde oo shalay Warbaahinta  la hadlay  waxa  uu sheegay in nidaamkani uu yaraynayo saxmadda Gadiidka, waxaanu tilmaamay in nidaamkani uu wax  weyn ka bedeli-doono bilicda Caasimadda waxaanu yidhi “Waddadii hadda aad bay isku bedeshay oo waxa  yaraaday Baabuurtii iska hor-imanaysay, cidhiidhigiina wuu yaraaday.  markaa waxaanu ugu tallo-galnay xagga Amaanka iyo Ardayda Dugsiyadda  tegaya inay subixii wakhti hore Iskuuladda tagaan, Calaamaddihiina waanu ku rakibaynaa  waananu wadnaa.  markaa waxaanu doonaynaa in aanu  Bilicda Caasimadu sanadkan  wax badan ka qabano oo Ganacsatadda ku soo jeedda Laamiyadda  ay xaadhaan oo la nadiifiyo. Wadooyinkana cidhiidhiga aynu ka dul-qaadno oo Baabuurtu dhinac   u kala socdaan.”

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland ayaa tilmaamay in nidaamkani cusub ee ay wax kaga qabanayaan sida ay baabuurtu u marayaan waddada Wadnaha, in ay tahay mid faa’iido u leh gaadiidka sidoo kalena horumar u ah caasimadda. Waxaanu u soo jeediyay gaadiid-layda in ay u hogaansamaan amaradda ciidamadda nabadgeliyadda wadooyinka iyo hay’adaha kale ee ku shaqada leh arrintaasi.

“Gadiid-layda  waxaan leeyahay nidaamkan waxaanu idinku doornay waa nidaam Magaaladda horumar u ah,  idinkana idiin dhib-yar, markaa waa inaad Ciidamadda Nabad-gelyada Wadooyinka iyo Dawladda hoose la shaqaysaan oo si wanaagsan loo adeeco, Wadooyinkuna aanay u xidhmin oo muranka badan had iyo jeer la joojiyo, waayo Wadada inta Gadiidku taagan-yahay waxay qaadanaysaa wakhti. Markaa aad-baan ugu mahad-celinayaa sida fiican ee ay maantana Dadweynuhu u qaateen” ayuu yidhi Wasiirku.

 Mudane Waran-cadde waxa  kale  oo uu sheegay in Gadiidka gar-gaarka deg-dega ah iyo kuwa Dab-damiska ahi ay mari-karaan Wadadan halka haad ah xilyada ay hawl ku jiraan, waxaanu yidhi “Ciidamadda amaniga, Dab-damiska iyo Gaadiirka gar-gaarka deg-dega ah (ambulance) gees katas oo Wadada ka mid ah wey u socan-karaan marka ay hawl ku jiraan, markaa waa in dadka wata Babuurta kale ay u baneeyaan haadka ay marayaan, waayo waxyaabaha aynu u badalnay-bay ka mid tahay. Markaa Gadiidkaasi iyagu xad malaha.”

Dhinaca kale Taliyaha  Ciidanka Nabad-gelyada Wadooyinka Somaliland Gaashaanle sare Faysal Xiis, oo isna arrintaasi ka hadlay  ayaa sheegay in nidaamkani uu wax badan ka badalayo qaabka ay Gadiidku u maraan Wadooyinka, waxaanu  yidhi  “Dadku si fiican bay u soo dhaweeyeen nidaamkan oo waxay u baahnaayeen saxmada badan in la yareeyo waana lagu guulaysanayaa Insha ALLAH, maanta ayaa la bilaabay, waayo Shaqadii Ciidanka Nabad-gelyadda Wadooyinka ayaa fududaanaysa, Xeerkii Nabad-gelyadda Wadooyinka fulintiisu wey yaraanaysaa, waana arrin aad u fiican.”

Sidoo kale qaar ka mid ah  derawaliinta gaadiidka kala duwan ee   Magaaladda Hargeysa ayaa iyagna dhinacooda si weyn u soo dhaweeyay nidaamkan cusub ee loo sameeyay Waddooyinka Caasimada Hargeysa.

By: Khaalid Xabsade

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply