Laba Qof oo lagu Dilay Dalka Belgium

0
415

Toban howlgal oo lagu bartilmaameedsanayay dad argagixiso looga shakiyay ayaa ka dhacay dalka Bilgium.
Dadkan ayaa looga shakinaayaa inay ka soo laabteen dalalka bariga dhexe gaar ahaan Suuriya.
Magaalada bariga ku taala ee Verviers ayaa lagu dilay laba qof, mid sedaxaadna waa la xidhay, sida uu sheegay dacwad oogaha dalkaasi.
Israsaaseyn iyo qarax ayaa ka dhacay meesha labada qof lagu dilay. qof goobjooge ahaa ayaa BBC-da u sheegay in qarax uu dhacay ka hor inta aysan rasaasta billaaban.
Goobjoogaha ayaa sidoo kale tilmaamay in qaraxyo kale oo aad u xoogbadan ay dheceen.
inta badan jidadka magaalada Verviers ayaa la xiray
Shir jaraa’id oo uu qabtay dacwad oogaha dalka Bilgium, Eric Van der Sypt, waxa uu ku sheegay in booliska magaalada Verviers ay muddo raadinayeen warqad ogolaansho ah oo ay ku soo qabtaan koox looga shakisanaa inay qaadaan wax uu ku sheegay weerar argagixiso.
Eric van der Sypt, ayaa warbaahintan u sheegay ogolaansho lagu weeraro raggan laga helay maxkamad gaar u ah arrimaha argagixisada oo ku taalla magaalada Brussels.
Waxa uu dacwad oogaha sheegay in dadka laga shakisanaa ay rasaas rideen ka hor intaan la toogan.
Waxa uu intaasi ku daray inay qabteen dad kale, oo uu ka mid yahay nin looga shakisan yahay inuu hub ka iibiyay mid ka mid ah raggii weerarka ka fuliyay magaalada Paris isbuucii hore.
Dadkan la sheegayo inay Suuriya ka soo dagaallameen ayaa la sheegayaa inay qorsheynayeen weerar ay ku qaadaan saldhig boolis oo ku yaalla magaalada Verviers.
 
 

Leave a Reply