Maxamed Axmed Kuluc Oo Maanta Hargeysa Ku Geeriyooday

0
371

Hargeysa(Dawan)- Alle Naxariistiisa Janno ha ka waraabiyee Fannaankii Caanka ahaa ee Maxamed Axmed Kuluc, ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa ka dib markii uu in muddo ah Xanuunsanayay.
Agaasimaha Cisbitaalka Hargeysa,a yaa saxaafadda u sheegay in Marxuumku ku geeriyooday Qaybta Gargaarka degdeg ah ee Cisbitaalka ka dib markii Neeftu qabatay.
marxuum Maxamed Axmed Kuluc wuxuu ka mid ahaa Fannaaniinta Caanka ka ah ee laga wada yaqaanay Gayiga Soomaalidu degto.
Guud ahaan maamulka iyo shaqaalaha wargeyska Dawan waxay Tacsi u dirayaan Ehelka,Asxaabta, Bahda Fanka iyo Guud ahaan Bulshada somaliyeed ee uu ka baxay Fannaanka Maxamed Axmed Kuluc, annagoo Alle uga baryayna Marxuumka inuu Naxariistiisa Janno ka waraabiyo, Ehelka iyo Asxaabta iyo Bulshada kalena Samir iyo Iimaanka siiyo amiin amiin.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply