Hargeysa(Dawan): Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland,ayaa shaacisay goorta ay ka joojinayaan dhuxusha wax lagu karsado magaalooyinka waaweyn oo ay tilmaantay lixda magaalo madax ee ugu weyn goblada Somaliland in ay yihiin magaalooyinka isticmaala dhuxusha ugu badan halista ugu weyna ku haya deegaanka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Maxamed Faarax Xirsi oo waraysi gaar ah ku siiyay xafiiskiisa DAWAN, waxaaa uu caddeeyay in bulshada danyarta ah eek u dhaqan lixda magaalo ee waaweyn ee Somaliland marka ay dhuxusha ka joojiyaan in ay u qaybin doonaan shooladaha wax lagu karsado qoysaska aan awoodin in ay iibsadaan shooladaha wax lagu karsado.
Maxamed Faarax, waxaa kale oo uu intaa ku daray in xeerka deegaanka ee dhawaan uu golaha wakiiladu ansixiyay in uu wax wayn ka qaban doono ilaalinta deegaanka Somaliland waxaa kale oo uu Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanku intaa raaciyay in dadka reer Somaliland lagu abaal marin doono sida ay ugu kala wanaagsanaadaan horumarinta deegaanka.
Maxamed Faarax Xirsi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyigu uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xasiiskiisa ku siiyya wargeska Dawan.
Ugu horrayn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka oo aanu waydiinay waxa uu ku soo kordhin doono xeerka deegaanka ee golaha wakiiladu ansixiyay.
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Horta markii horeba xeer wuu jiray oo waxaa jiray xeer 04/98 laakiin xeerkaasi toos umuu dhaqan galin oo dawladdii xilligaasoo tamar darrayd iyo xeerkaasoo aad u gaabnaa awgeed muu dhaqan galin. Laakiin xeerkani waa mid waafi ah oo wax weyn ka taraya waana halbawleheedii ama dariiqi loo marayay ayuu noqonayaa xeerkani guud ahaan shaqada Wasaaradda.
Xeerkani wuxuu noqonayaa mid noo sahla in aanu shaqada wasaaradda si sax ah u gudano oo ay yeelato xeer lagu dhaqo oo leh nidaaminta ilaalinta iyo horumarinta deegaanka,duur joogta iyo reer miyigaba,tusaale ahaan waxaa uu xeerku leeyahay cid kasta oo waxyeelo u gaysata deegaanka ciqaabtii uu mudan lahaa.”
Waxaanu intaasi ku daray “Tusaale ahaan qofka neef ugaadh ah dila ee ay ku cadaato in uu neef ugaadh ah dilay waxaa uu mudanayaa ciqaab xeerku jidaynayo. waxaa kale oo ku jira oo uu ciqaab marinayaa qofkasta oo geed qoyan gooya oo ay ku caddaato in uu dhir qoyan jaray,waxaa kale oo xeerkan ciqaabtii uu madan lahaa uu jidaynayaa cid kasta oo isku dayda in ay duur joogta dalka si sharci darro ah dalka uga dhoofiso ama cid uga iibiso.
Ciqaab uun maahee waxaa kale oo xeerka ku jira waxaabaha lagu hour marinayo guud ahaan shaqada Wasaaradda.”ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka Somaliland.
Agaasime Maxamed Faarax oo ka jawaabayay su’aal aanu ka waydiinay waxa uga qorshaysan Wasaarad ahaan ee ay dadka ugu bedelayaan dhuxusha iyo nooca tallaabooyinka ay qaadaaan.
Waxaanu yidhi “Horta lama dafiri karo in ay maanta dhuxushu tahay waxa kaliya ee aynu haysano guud ahaan dadkeena reer Somaliland ee aynu wax ku karsano laakiin waxaanu muddo badan imika wadnay sidii looga maarmi lahaa dhuxusha iyo wixii looga guuri lahaa laasina waxay u baahatay in aanay arrintu noqon oo kaliya dhuxusha hala joojiyo sababtoo ah suuragal maaha illaa wax bedela la helo in la joojiyo.
markaa waxaanu samanay daraasado badan waxaanu kulamo waaweyn la qaadanay ganacsatada waawen ee dalka oo aanu kala hadalaysidii iyagoo gabacsanaya ay noogala qayb qaadan lahaayeen bad baadinta deegaanka waxaanan isla qaadanay in aynaan sii jirayn haddii aan xal loo helin lagaga gudbo dhuxusha.”
“Waxaanu qorshaynay in lagu bedelo gaasta la shito ee Faynuusyada taasina waxay keentay in loo baahdo sidii loo heli lahaa shoolado kulamo badan oo aanu ganacsatada dalka la eelanana waxaa ku guulastay gabansato reer Adwal ah oo shooladihii illaa imika waxay dalka keeneen 75000 kun oo xabbo oo shoolado ah.
Laakiin wali waxay caqabadi ka taagan tahay gaasta oo wali inagu qaali ah oo inooga timaada xagga Itoobiya,arrintaana wasaaradda Ganacsiga iyo ganacsatada Shidaalka keentaba waanu ka wada hadalayy waxaana isla qaadanay in ay gaasta la shito ganacsatadu ay keento oo lagu soo shubo haamaha Berbera,markay arrintaasi hir gashana tallaabada koobaad ee aanu qaadaynaa waxay noqonaysa in aanu lixda magaalo ee waaweynba ka joojino dhuxusha.”ayuu yidhi Maxamed Faarax.
Agaasimaha oo ka jawaabayay su’aal aanu ka waydiinay dadka danyarta ah ee aan awoodin in ay shoolahada iibsadaan marka ay amarkan dhaqan galinayaan waxay ugu talo galeen in ay wax ku karsadaan,ayaa yidhi sidan “Horta lama dafiri karo in ay maanta dhuxushu tahay waxa kaliya ee aynu haysano guud ahaan dadkeena reer Somaliland ee aynu wax ku karsano laakiin waxaanu muddo badan imika wadnay sidii looga maarmi lahaa dhuxusha iyo wixii looga guuri lahaa laasina waxay u baahatay in aanay arrintu noqon oo kaliya dhuxusha hala joojiyo sababtoo ah suuragal maaha illaa wax bedela la helo in la joojiyo,markaa waxaanu samanay daraasado badan waxaanu kulamo waaweyn la qaadanay ganacsatada waawen ee dalka oo aanu kala hadalaysidii iyagoo gabacsanaya ay noogala qayb qaadan lahaayeen bad baadinta deegaanka waxaanan isla qaadanay in aynaan sii jirayn haddii aan xal loo helin lagaga gudbo dhuxusha.
“Waxaanu qorshaynay in lagu bedelo gaasta la shito ee Faynuusyada taasina waxay keentay in loo baahdo sidii loo heli lahaa shoolado kulamo badan oo aanu ganacsatada dalka la eelanana waxaa ku guulastay gabansato reer Adwal ah oo shooladihii illaa imika waxay dalka keeneen 75000 kun oo xabbo oo shoolado ah,laakiin wali waxay caqabadi ka taagan tahay gaasta oo wali inagu qaali ah oo inooga timaada xagga Itoobiya,arrintaana wasaaradda Ganacsiga iyo ganacsatada Shidaalka keentaba waanu ka wada hadalayy waxaana isla qaadanay in ay gaasta la shito ganacsatadu ay keento oo lagu soo shubo haamaha Berbera,markay arrintaasi hir gashana tallaabada koobaad ee aanu qaadaynaa waxay noqonaysa in aanu lixda magaalo ee waaweynba ka joojino dhuxusha.”
Agaasimaha oo ka jawaabayay su’aal aanu ka waydiinay dadka danyarta ah ee aan awoodin in ay shoolahada iibsadaan marka ay amarkan dhaqan galinayaan waxay ugu talo galeen in ay wax ku karsadaan, waxa uu ku jawaabay “Arrintaasi hore ayaanu uga hawl gallay waxaanan baadi doon u galnay dadka danyarta ah ee aan awoodin in ay mar kaliya iibsadaan shoolad 15 ama 20 Dollar ah in aanu dawlad ahaan u doono o aanu meel la gala galaysanno waxna imikaba waanu u soo hellay oo waanu haynaa waxa kalena waanu baadi doonaynaa oo anaga ayuu xil naga saaran yahay, in ay dadka dan yarta ahina helaan shoolado bilaash ah oo ay wax ku karsadaan,dhanka gaastana waxaan hubaa in ay boqol goor ka jabnaanayso dhuxusha oo ugu badnaan 20 litir ay noqonayaan wax aan ka badnayn 8 dollar, waxaa kale oo aanu qorshanay in dadki dhuxusha ka ganacsan jirayna in ay halkii ay dhuxusha ku rogi jireen uun ay dhigan doonaan foosto gaas ah oo ay iyagoo nadiif ah ka ganacsan doonaan uun gaasta.”
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office
Home Wararka Dalka Wasaaradda Deegaanka Oo Shaacisay Goorta Ay Magaalooyinka Ka Joojinayso Isticmaalka ...