Jaamacada Hargeysa Oo Soo Dhawayn u Samaysay Wefti Ka Socda Degmada Sheffield

0
396

Hargeysa (Dawan)- Ardayda Jaamacadaha Hargeysa University iyo jaamacada Dr. Bulxan ayaa soo dhawayn u sameeyay wefti ballaadhan oo ka socda dalka Ingiriiska, gaar ahaan golaha deegaanka magaalada Sheffield iyo xubno ka tirsan xisbiga shaqaalaha ee dalkaasi.
Munaasibada soo dhawaynta weftigan ayaa ka qabsoontay hoolka shirarka ee jaamacada Hargeysa waxaa ugu horrayn halkaasi ka hadlay  Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa Dr.  Cabdi Xuseen Gaas , waxaanu yidhi “anaga oo ku hadlayna afka  ardayda labada jaamacadood, waxaanu maanta halkan ku soo dhawaynaynaa weftiga nooga yimi Sheffield, taasi oo aanu kaga mahad celinayno dedaaladii ay u soo mareen in golahooda deegaanku iyaga oo isku dhan ay cod aqlabiyad ah u taageeraan qaddiyada Somaliland. ”
Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa waxa kale oo uu intaa ku daray “Dedaalkan ay Sheffield ku aqoonsatay Somaliland, waxaa ka soo wada shaqeeyay dad reer Somaliland ah iyo dadkan ajaanibka ah ee horteena fadhiya, runtiina ciyaar kuma ay iman, ee waxaa loo galay dedaal dheer. Sidaa awgeed waxa dhamaanteen inagu waajib ah in aynu nidhaahno weftigan reer Sheffield ee inoo yimi iyo inta kale ee inaga maqan ba, waxaanu idin leenahay waad mahad santihiin.”
Dr. Cabdi Xuseen Gaas waxa kale oo uu weftiga uga waramay marxaladihii kala dambeeyay ee ay soo martay Somaliland iyo horumarka ay maanta gaadhay, waxaanu yidhi “Somaliland waxa ay xornimadeedii dib ula soo noqotay sannadkii 1991-kii, ilaa maantana waxay soo martay marxalado kala duwan iyada oo aan wax caawimo ah ah oo buuran ka helin beesha caalamaka, waxaanay ku tallaabsatay horumar lagaga faani karo bariga Africa.”
Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan  ayaa isaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyay waxaanu si gaar ah ugu mahad naqay weftigan ballaadhan ee ka socday dalka Ingiriiska, gaar ahaan golaha deegaanka magaalada Sheffield, waxaanu ku amaanay dedaalka  iyo gacanta ay ka geysteen aqoonsigii golahoodu ku taageeray qadiyada iyo madax-banaanida Somaliland.
Marwo Kaltuun Cilmi oo ah xubin ka tirsan xisbiga shaqaalaha ee Ingiriiska ee ay ka soo baxeen xildhibaanadan golaha deegaanka Sheffield ee Somaliland aqoonsaday, waxaana hadalkeedi ka mid ahaa “Waxaa aniga farxad gaar ah ii ah aniga oo ah reer Somaliland, is bedelka ka muuqda Somaliand labaatan sanno kadib mar aan imid, waxaa i farxad geliyay horumarka ballaadhan ee lagu tallaabsaday, waxa iyana farxad labaad ii ah dedaalka uu xildhibaan Maxamed Macruuf hormoodka noogu yahay ee aqoonsiga qaddiyada Somaliland.
Waxa kale oo farriin gaara ah oo aanu dawlada Ingiriiska u dirayno, xisbigayagan shaqaaluhuna ku ololayn doonnon in ay Somaliland ku yaalaan taallooyin dad reer Somaliland ah oo u dhintay qadiyada iyo madax banaanida dalka Ingiriiska wakhtigii dagaalkii labaad ee adduunka, sida Cumar ku joog oo taaladiisa ay weftigayagu isku soo sawireen.”
Marwo Kaltuun waxa kale oo ay dardaaran u soo jeedisay arday wax ka barta jaamacadaha dalka, waxaay tidhi “Waxaan idinkula dardaarmaya ardayda haddaad tihiin, waxaad haysataan, dalkiini oo xor ah, waxaad haysataan caafimaad, waxbarasho, waxaan idiin soo jeedinayaa nabadgelyadiina ilaashada, in aydaan ku milmin siyaasada, ee aad mustaqbalkiina waxbarasho aad horumarisaan.”
Sidoo kale, waxa iyaguna munaasibadaasi ka hadlay xubno ka mid ah xildhibaanada golaha deegaaka ee Sheffield, kuwaas oo dhamaantood u mahad celiyay bulshada reer Somaliland, iyaga oo ku bogaadiyay sida ballaadhan ee ay ugu soo dhaweeyeen dalka.
By. Idiris M. Xasan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply