Madaxweyne Siilaanyo Oo Xalay u Hoyday Degmada Bali-dhiig Maantana u Jihaysanaya Gobolka Saraar

0
389

Bali-dhiig (Dawan):-  Madaxweynaha Somaliland   Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),   ayaa xalay ku soo hoyday degmadda Bali-dhiig ee gobolka Togdheer, ka dib markii ay shalay dhamaysteen maalintii afraad ee socdaalka shaqo ee madaxweynuhu ku marayo deegaamada ku teedsan xuduudka.
 
Weftiga uu hogaaminayo madaxweyne Siilaanyo, oo shalay subax ka soo kicitimay degmadda Xaaji Saalax ee gobolka Daad-madheedh, oo uu habeen hore u hoyday ayaa waxa uu xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyay degmadda Xaaji Saalax, halka uu kuwo cusubna madaxweynuhu dhagax dhigay.
Sidoo kale madaxweynaha iy weftigiisu waxay isla xalay socdaalkooda ku soo mareen deegaamadda Biyo Xidho, Cali Ciise, Bilcinle, Dhagax-dheer, Dhoqoshay iyo Dheryalay oo ah tuuladdii uu ku dhashay madaxweyne Axmed Siilaanyo.
 
 
Weftigan uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo, ayaa intii ay ku sugnaayeen degamdda Xaaji Saalax  waxay   kulamo  la yeesheen maamulka degmadda,  Cuqaasha iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda.
Isagoo  madaxweynuhu  xadhiga ka jaray mashariic laga hirgaliyay degmadaasi sida   xarunta wasaaradda Xanaanadda xoolaha iyo qaybo lagu kordhiyay Saylada Xoolaha ee degmada Xaaji  Saalax.  Halka  uu madaxweynuhu dhagax dhigay   saddex mashruuc oo lagu dhisayo rugta maxkamadda,  saldhiga  boolis iyo xarunta maamulka ee degmadaasi.
 
Madaxweyne Siilaanyo oo halkaasi ka hadlay dadweynaha degmadaasi  ayaa  uga mahadnaqay dadweynaha degmada Xaaji Saalax sida ay u soo dhaweeyeen, iyadoo ay halkaasi dadweynuhu ugu soo bandhigeen madaxweynaha baahiyo kala duwan oo ay doonayaan in wax lagala qabto.
Waxaanu yidhi  “Dadweynaha  ku dhaqan degmadda Xaaji Saalax ee gobolka  Daad Madheedh aad iyo aad ayaan idinka mahadnaqaynaa sida sharafta leh iyo qiimaha leh ee aad noo soo dhawayseen ee aad noo marti qaadeen. haddii aanu dawlada nahay socod dheer ayaan ku jirnaa in xogogaal aanu dalka u noqono ayaan doonaynaa oo duruuftiina xogogaal u noqono ayaan doonaynaa, oo aanu waraysano dadka waxa uu ku sugan yahay, wixii  awoodeeda ay wax ka qaban doonto xukuumadiisu.”
Madaxweyne Siilaanyo, oo ka hadlayay baahiyaha ay bulshadu u soo gudbiyeen, ayaa  waxa uu sheegay in wixii baahiyo ah  ee degmada Xaaji Saalax  xukuumad ahaan ay wax ka qaban doonaan.
Isagoo arrintaasi ka hadlayayna  waxa  uu yidhi “Halkan waanu nimid waa nalooga waramay xaaladiina taariikhda ay halkani leedahay ee gobolka Daad Madheedh.
Waanu  ognahay ee degmada Xaaji Saalax baahiyaha aasaasiga ah ee gobolkan iyo degmada yaala waa laga waramay oo masuuliyiintii iyo dadkii odayaasha ahaa ee deegaanka ahaa ayaa ka waramay, waanu tixgelinaynaa, waanu qaadanaynaa wixii aanu ka qaban karno waanu ka qabanaynaa, waxaanu kala hadhaynaa ma jirto.
Anagu socod dheer ayaan ku jirnaa gobolada oo dhan ayaan ku wareegaynaa meelo badan ayaan maraynaa. Markaa sida aad noo soo dhawayseen iyo alkacalka idinka muuqda iyo sharafta idinka muuqata aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin.”
 
Dhinaca kale Wasiirka  Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta C/laahi Maxamed Daahir Cukuse oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay sida ay waxgaradka Xaaji Saalax u qireen waxqabadka xukuumada, waxaana uu yidhi “Cuqaashii halkan ka hadashay waxa ay sheegeen in Madaxweynaha iyo xukuumadiisu ay waxqabad la taaban karo ay muujiyeen, waxqabadkaasina aanu ahayn mid la qarin karayo, sidaa aad u qirteena xukuumadu diyaar ayay idiin tahay inay wax idin la qabato.
Sidoo kale Wasiirka   Deegaanka iyo Horumarinta reer miyiga Marwo Shugri Xaaji Simaaciil Baandare, oo iyadna halkaasi ka hadashay ayaa waxa ay uga mahadnaqday dadweynaha reer Xaaji Saalax sida  tiiran ee ay u soo dhaweeyeen weftiga Madaxweynuhu hogaaminayo.
Kulankan Madaxweyne Siilaanyo la yeeshay dadweynaah Degmada Xaaji Saalax, waxa kale oo ka  hadlay maamulka degmada iyo cuqaasha degmadaas oo ka warbixiyay xaalada degmadaas iyo horumarka ka socda, waxaanay markhaati kaceen waxqabadka muuqda ee ay dalka ak fulisay xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay maanta u jihaysan doonaan gobolka Saraar.
 
Geesta kalena, Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa xisbiga WADDANI ugu baaqay inay ka waantoobaan dagaalka cad ee ay ku hayaan gobolka Awdal.
 
Sidaasna waxa uu afhayeenku ku sheegay waraysi uu xalay  shabakadda Somaliland.org, isagoo ku sugan Magaaladda Bali-dhiig ee gobolka Togdheer oo weftigii madaxweynuhu u hoydeen.
 
Afhayeenku waxa uu jawaab kulul ka bixiyay hadallo socdaalka madaxweynaha ay ku naqdiyeen xisbiga WADDANI, waxaanu yidhi “Waxaanu leenahay WADDANI, xukuumadda iyo Boorame iskuma diri kartaan dhexdoodana ma geli kartaan, xukuumaddani  waa xukuumadii u dhalatay horuamarka Awdal iyo guud ahaan gobolada dalka oo dhan.  Madaxweynaha Somaliland tuullo, degmo iyo gobol kasta oo Somaliland ahi way u siman yihiin. Mana kala jecla, waxaan leeyahay xisbiga WADDANI reer Awdal dacaayadan aad wadaan ha ugu darina hadalkii deel-qaafka ahaa ee aad madaxweyne Daahir Rayaale hore ugu tilmaanteen inuu ka soo jeeday beel laga tiro badan yahay.”
Afhayeenka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Xisbiga WADDANI Waxa uu tuur iyo tarbiicaba iskugu yeelay olale weyn-na u galay in aanu dallada dhalinyarrada ee SONYO aanay wax xil ah ka qaban cid ka soo jeeda gobolka Awdal, hase yeeshee waxa arrintaasi gaashaanka u daruuray oo fashiliyay himilooyinkii WADDANI dhalinyarrada dalladaas oo Guddoomiye u doortay Wiil dhalinyarro ah oo ka soo jeeday gobolka Awdal, halka ku xigeenkiisana ay u doorteen wiil isna ka soo jeeday gobolka Sool.”
 
Mr. Dhuxul waxa uu sheegay in madaxweynaha Somaliland uu socdaal taariikhi ah ku marayo goboladda dalka ee xuduudka ku teedsan. “Madaxweynaha deegaan kasta oo uu istaagaba waxa loogu soo dhaweynayay si weyn,waxaanay dadku ka marag kacayeen wax-qabadka xukuumaddu wadanka oo dhan ka fulisay, waxa kale oo dadweynuhu u soo bandhigayeen meelaha ay jecel yihiin in xukuumaddu wax  uga qabato.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply