Boliiska Kenya oo Gaas ku furay Carruur

0
411

Booliska magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa gaaska ilmada dadka ka keeno ku furay carruur iskuuley ah oo dugsi hoose dhigata, kuwaas oo dhigayay dibad bax ay uga soo horjeedaan, qeybta lagu ciyaaro ee iskuulkooda oo laga qaatay gurina laga dhisayo.
Booliska oo ay wehliyeen eey, ayaa kala ceydhiyay caruurtii dibadbaxaysay, wararka qaar ayaa sheegaya in carruurtaasi ay ku jiraan kuwo lix sano jir ah, waxaana la isugu geeyay derbi cusub oo dhawaan laga dhisay inta u dhexeysa dhismaha iskuulka iyo goobaha ay carruurtaasi ku ciyaaraan.
Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya carruurta oo la xanibay iyagoo ku dhexjira qiiq ka dhashay gaaska dadka ka ilmaysiiya oo lagu riday.
Mid ka mid ah masuuliyiinta Kenya ayaa sheegay in carruurtaasi loo adeegsado sunta dadka ka ilmaysiisa in ay tahay wax aan la aqbali karin, baadhitaan arrintaas ku saabsana uu socdo.
 

Leave a Reply