Doorashada Madaxtinimada Saambiya

0
441

Doorasho madaxtinimo ayaa ka dhaceysa dalka Zambia, kaddib geeridii ku timid madaxweynihii dalkaasi Michael Sata, bishii October ee sanadkii aynu soo dhaafnay.
Xisbiga haatan talada haya ee Patriotic Front, ayaa ku kalsoon in uu guuleysan doono, waloow uu wajahayo tartan adag oo kaga imanaya mucaaradka.
Kor-joogtada heer gobol waxay sheegeen inay raalli ka yihiin diyaar garowga loo galay doorashada madaxtinimada. Doorashada waxaa la filayaa in ay aad isugu dhawaadaan Edgar Lungu oo ka socda xisbiga Patriotic Front iyo Hakainde Hichilema oo ka socda United Party for National Development.
Musharixiinta madaxweynenimada waxay wacad ku mareen inay sare u qaadayaan hanaanka waxbarasho ee waddanka, iyo shaqo abuuris. Dadka codka bixinaya waxay rajaynayaan in siyaasiyiintu ka dhabayn doonaan balanqaadyadooda.
Kontonkii sano ee ay Zambia madax banaaneyd, waxay ahayd dal deggan, waxaana si joogto ah looga qabanayey doorashooyin tan iyo markii la soo af-jaray nidaamka xisbiga qudha ku dhisnaa.
Musharaxii guulaysta wuxuu xafiiska haynayaa 18-ka bilood ee ka dhiman xilligii uu xilka hayn lahaa Michael Sata, ayadoo dalkana ay ka dhici doonto doorasho guud 2016-ka. Goobaha cod-bixinta ayaa furmi doona 6-da subaxnimo, waxaana la xidhi doonaa 6-da makhribnimo.
Guddiga doorashada ee Zambia wuxuu sheegay in tirinta codadka la filayo inay bilaabato in yar ka dib doorashada, ayadoo natiijadana lagu wado in lagu dhawaaqo 48 saacadood gudahood.
 

Leave a Reply