Booliska Oo Soo Dhaweeyay Nidaamka Cusub Ee Loo Dejiyay Wadooyinka Hargeysa

0
461

Hargeysa (Dawan):- Taliye ku xigeenka Booliska Somaliland Sareeye guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan nidaamka cusub ee Wasaaradda Arrimaha guduhu u samaysay qaabka Gaadiidku u maraan wadooyinka caasimadda Hargeysa.
 
Taliye Fooxle oo shalay warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in nidaamkan cusub ee Wadooyinka loo dejiyay wax ka bedalay saxmada Gadiidka, waxaanu tilmaamay inay yaraadeen Shilalkii ka dhaci-jiray Hargeysa.
 
 
Taliye ku xigeenka Booliska oo arrimahaas ka hadlayay, waxa uu yidhi “Qaabka maanta loo sameeyay Waddo marista Gadiidka tii hore toban jeer iyo in ka badan-bay ka fiican yihiin, waxa yaaraday saxmada Gadiidkii aan kala heli-jirin Waddo ay maraan iyo Shilalkii dhici jiray oo yaraaaday ama ku soo koobmay in todobaadkii hal Shil ka dhaco Magaaladda.”
 
Sareeyo guuto Cabdiraxmaan Fooxle  waxa uu sheegay in nidaamkan cusub ee Wadooyinka loo dejiyay ka faa’iido badan-yahay qaabkii ay Gadiidku u mari jiren Wadooyinka, waxaanu yidhi “Nabad-gelyaddii dhinaca Gaadiidka oo wanaagsanaatay, intaa marka la isku geeyo waxa cad in toban jeer ay ka faa’iido badan tahay sidii hore ee ay Wadadu ahayd. qorshahaasi wuu wanaagsan yahay waana in la wado oo la hir-
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply