‘Mucaaridkii Somaliland,oo markale Safar Madaxweyne Jiidhay’

0
466

Marka ugu horeysa waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin  ugu soo gudbinayaa  Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ,Md.Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),iyo dhammaan xubnaha Weftiga uu hogaaminayo,anigoo ugu hambalyeynaya safarka dheer ee Galbeed illaa Bari  uu ku  marayo ,Degmooyinka,Tuulooyinka iyo dhulka Miyiga  ah,ee Gobolada Somaliland.Waxaan qabaa in Safarka Madaxweynuhu iyo Weftigiisu yahay :-

  1. Mid la mid ah kii 2014kii Madaxweynuhu uu ku maray Galbeed ilaa Bari,isagoo dhinaca Woqooyiga ee Xeebta Maray.Xilliganna  Madaxweynuhu wuxuu marayaa dhulka Miyiga ah ee Galbeed ilaa Bari,isagoo maraya dhinaca Koonfureed ee Xuduuda aynu la leenahay  wadanka Itoobiya.
  2. Waxaa xaqiiq in Safarada noocan ah, kii 2014kii  iyo kan hadda socdaaba ay yihiin Safaradii ugu  horeeyey ee noocooda ah ,ee Madaxweyne Somaliland ah  iyo Wafti uu hogaaminayaa  ay ku maraan dhulka intaa leeg.
  3. Waa Safaro ay Madaxweynaha iyo Waftigiisu  ku eegayaan xaalada dhabta ah ee ka jirta dhulkaa balaadhan ee Madaxweynaha iyo Waftigiisu marayaan,waa soo  ururinta baahida Shacabka  iyo  Deganada ay ku nool yihiin.
  4. Waa gudasho shaqo waajib ku ah Madaxweynaha iyo Waftiga uu hogaaminayo,waa shaqadii loo Doortay,waa eegista Mashaaricdii la hirgeliyey iyo hirgelinta Mashaariic cusub,hambalyo hambalyo ayaanu ku leenahay Md.Madaxweyne,Shacabku waa ku diirsaday gudaha iyo dibadaba.

 
Mucaaridka Somaliland :-
dhinaca Mucaaridka ,  waxaa wax lala yaabo ,wax laga  naxo,wax laga  xishoodo ah,hadala ka soo yeedhaya  2 Xisbi ee Mucaaridka ay iyo shaqsiyaad sheegta in ay yihiin Mucaarid,balse ay Bulshada reer Somaliland ka dheregsan tahay ,kuwa ay yihiin,waxa ay qaban karaan,iyo intaa aqoontoodu gaadhsiisan tahayba,waxa xaqiiqo ah,in Mucaaridka Somaliland ee maanta jira lagu sifayn karo oo keliya :-

  1. Wax  ma tarayaal ,ku guul daraystay Xilkii iyo waajibaadkii  Shacabka Somaliland  ay u dhiibteen,amase ay ka sugayeen,xaalkooduna hadda yahay oo keliya cayda Qaranimada Somaliland.
  2. Mucaraaridka Somaliland ,waxay waxqabadka u yaqaanaan cayda,Aflegaadada,iyo dafiraada wixii Shacabka ay u qabatay Xukuumada hadda jirtaa.
  3. Waa cadahay in Mucaaridka Somaliland  aanay lahayn,haynin, wax Barmaamush ah oo ay shacabka u soo bandhigaan,balse Barmaamushka ay Shacabka u hayaan « waa Qabyaalad, kala qaybinta Shacabka,Aflegaado Qaran,taageerada cid kasta oo Qaranka  Somaliland wax yeelo u gaysanaysa.

 
Qurba Jooga reer Somaliland :-
Waxaan ugu baaqayaa Qurbe-jooga reer Somaliland meelkasta oo ay joogaanba :-

  1. In  dalkoodii Somaliland  ay nabad buuxdaa ka jirto,horumar  iyo dedaal  balaadhan  oo  Shacabka  iyo  Xukuumadu wadaan uu ka socdo,loona baahan yahay in ay ka qayb qaataan.

 

  1. Waxaan ka codsanayaa Qurbe-jooga reer Somaliland in aanay dhegaysan,beenta,Qabyaalada,kala qaybinta ay ku mashquulsan yihiin Mucaaridka   Somaliland maanta ka jiraa. ALLAA  MAHAD LEH.
  2. By : Cabdi Maxamed Saleebaan Mingiste

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply