geliyo, annagu ciidan ahaanna diyaar baanu u nahay waanana wadnaa hawshaa.” Qaybtii 2-aad

0
463
  • Inuu dusha kala socdo oo uu abaabulo qaabka iyo waqtiga safiirada cusubi u gudbinayaan Madaxweynaha waraaqahooda aqoonsiga.
  • Inuu abaabulo oo diyaariyo xafladaha lagu kala saxeexanayo heshiisyada.
  • Inuu sii qorsheeyo oo fuliyo dhacdooyinka ay Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibaddu ku tagayaan kulanka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.
  • Inuu maamulo nidaamkeeda goobta lagu dhaarinayo safiirada loo magacaabay dalalka dibedda iyo sidoo kale madaxda hay’adaha kale, isla markaana diyaariyo munaasabadaha xafladda dhaarinta mas’uuliyiintaasi.
  • Inuu diiwaangeliyo dhammaan safaaradaha dalka fadhiya safiiradooda, mas’uuliyiinta iyo hawlwadeenada kale ee safaaradda eek u sugan caasimadda, kuwa Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah.
  • Inuu maamulo guryaha martida ee Madaxtooyada.
  • Inuu la socdo oo sugo hab dhaqanka diblomaasiyiinta iyo qunsuliyadaha ka furan dalka, sidoo kale uu kala taliyo oo gaadhsiiyo dawladda dhexe iyo dawladaha hooseba inay leeyihiin xasaanad iyo maamuus kale oo u gaar ah.
  • Inuu daabaco liiska diblomaasiyiinta iyo goobaha ay kaga yaalaan xafiisyadooda dalka, gaar ahaan caasimadda iyo meelaha kale ee ay qunsuliyadaha ku leeyihiin.
  • Inuu si ficil ah uga hawlgalo xafiis ahaan khilaafyada iyo wixii isfaham la’aan ah ee ka soo yeedha diblomaasiyiinta ee la xidhiidha xasaanadooda iyo maamuuska u gaarka ee ay mudan yihiin in la siiyo.
  • Inuu gacan ka geysto sidii ay safaaradaha ku cusub dalka u degi lahaayeen dalka, gaar ahaana u furan lahaayeen xafiisyadooda iyo guryaha hoyga u noqonaya.
  • Inuu ku martiqaado diblomaasiyiinta munaasibadaha waaweyn ee dalka ka dhacaya iyo kuwa gaar ahaaneedba, sida kulanka uu Madaxweynuhu la yeesho aqallada labada Gole oo wada jira, aasaaska heer Qaran, xafladaha xusaska Qaranka iyo xadhig ka jaridda mashaariicda baaxadda, iyadoo sidoo kalena looga baahan yahay inuu ka gacan geysto qorshaha ka qaybgalkooda.
  • Inuu isku xidho oo u diyaariyo waxyaabaha ay u baahan yihiin suxufiyiinta ajaanibka ah ee la socda wufuudda heerka sare ee booqashadda ku yimaad dalka.


Haddaan intaa ku dhaafno tusaalooyinkan kooban ee la xidhiidha shaqooyinka xafiiska hab-maamuuska, bal imikana aan dib ugu yara laabano taariikhda faca-weyn ee uu ku leeyahay dunida xafiiskani.
Horta sidaan ku soo xusnay cadadkii koowad ee mawduucan, waxa uu xafiiskani ka caawiya oo uu kala Madaxweynaha,  ku xigeenkiisa iyo Wasiirkiisa Arrimaha  Dibedda dhammaan wixii hawlo ah ee la xidhiidha dhinaca diblomaasiyadda, wixii talooyin ahna ka siiyaa, siiba arrimaha hab-maamuuska guud ahaantii.
Taariikh ahaan marka dib loo raaco waqtigii ugu horreeyay ee ay bilaabantahay in dalalka dunidu isdhaafsadaan ergay diblomaasiyiin  oo la diiwaangeliyo, waxana lagu xusay taariikaha inay ahayd cahdigii “Babylonians”, ninkii soo saarayna ahaa “Babylon” waana mid ka mida ilbaxnimadii ugu horreysay ee la gaadhay.
Tallaabadaasi waxay u horseeday caalamka, in maanta dal kastaa uu  yeesho xafiis hab-maamuus oo ah mid loogu alogalay inuu hagaajiyo oo ka shaqeeyo sida ugu wanaagsan ee uu ku soo jeedin karo kasbashada saaxiibtinimo dhab ah oo dhexmara dalkiisa iyo kuwa kale ee martida u ah.
La soco…………………………………………………
C/laahi  A. Cumar “Wayab”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply