Wasaaradu Waxay U Baahantahay Khubaro Ku Xeel Dheer Suuq Gaynta Xoolaha Nool

0
479

Xoolaha nooli waa laf dhabarta koobaad ee dhaqaalaha dalka Somaliland, isla markaana waa waxa kaliaya ee aan u iib gayno dibada waxa ay ka qayb qaataan kobaca kaabayaasha dhaqaale ee bulshada, Xoolaha nooli waa udub dhexaadka dhaqaale ee Allah (SWT) ku galaday dalka soomaliland, dadka soomaliland wax layidhaahdaa 70% waa dad reer guuraa ah oo xoolo dhaqato ah miyi iyo magaalo dadkeenu wuxuu si toosa iyo si dadbanba ugu tiirsan yahay xoolaha nool oo dhuuni iyo dhaqaaleba inoo ah dadkeenu wuxuu ka dharagsan yahay saamayntii ba’nayd ee dhaqaale ee ay inagu yeelatay xayiraaddii xoolaha ee wadamada khaliijku inagu soo rogeen gaar ahaan wadanka boqortooyada sucuudiga sanadihii 2002dii.

Dadaal farabadan oo la sameeyay waxa lagu guulaystay in xoolaha loo furo wadanka soomaliland taas oo badalkeeda ay wasaarada xanaanada xooluhu hirgelisay amkaaniyaadkii ay u baahnaayeen wadamada xoolaha aynu u dhoofino si aanay u dhicin in xoolahaeena mar danbe la xayirin waxaa aynu ka wada dharagsanahay in xoolaha oo la daryeelo ay qayb wayn ka ka qaadanayso kobaca dhaqaalaha  qaranka taas oo wax ka taraysa horumarinta adeegyada asaasiga ah ee bulshada, sida  waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo nabadgelyada.

 

Hadaba Somaliland waxay wajahaysaa tartan adag kaas oo anay ka warhaynaynin wasaarada xanaanda xoolahu oo aad moodo in ay Somaliland ka maqantahay sayladaaha waaweyn ee xoolaha taasina waata ku soo koobtay iibka xoolaha Somaliland xiliga moosinka xajka oo kaliaya haalkii ay ka ahayd in ay xoolaheenu helaan suuq joogto ah oo mark kasta ay dhoofaan

 

Waxa tartan adag la inagula jiraa dhoofla xoolaha  nool, gaar ahaan adhiga, kaas oo loogu kala baratamayo suuqyada xoolaha aduunka wadamada sida xooga ah uu tartanku inooga dhaxeeyaa waa Ustaraaliya iyo Suudan. Suuqa u danbeeya, ee xoolaha Somaliland waxa ay helaan qiimo hoose tusaale ahaan, sicirka xoolaha Somaliland waa $90 – 120 doolar neefkiiba xagga uu ka yahay adhiga Swakin ee ka imanaaya Suudaan sicirkoodu $ 170 – 180 doolar neefkiiba. Xoolaha sida fiican u dhamayska tiran ee nooca xoolaha maxaliga ee Gacanku (Njadi, Neami, Hari iyo Awasi) waxa ay goosanayaan qiime sare oo ah $320-350/neefkiiba.

 

Suudaan hadda waxa ay tartame wayn ku tahay xoolaha Somaliland ee suuqa Sacuudi Carabiya, dhoofka xoolaha Suudaantu waxa uu u koraayay si joogto ah sannadahii dhawaa saamiga xoolaha Suudaan ee suuqa Sacuudigu waxa uu ka koray 27%  2006 ilaa 40% 2010-ka dhexdiisa. Qiimaha wadarta xoolaha Suudaan ee dhoofay sannadkii 2012 waxay ahayd $ 408 milyan, korodh dhan 20% ilaa sannadkii hore.

 

Hoos u dhaca Suudaan ee dakhliga Saliida kana dhashay go’itaankii Koonfurta Suudaan, waxa uu ku qasbay xukuumada Suudaan inay daaha ka rogto fursado kale oo ay ku hesho lacag adag taas oo ay ku jiraan beeraha iyo dhoofka xooluhu. Waaxda xoolaha ee Suudaan guud ahaan aad ayuu iskugu duba ridan yahay (gaadiidka, kaydka quudinta, adeega daryeelka xoolaha) taas oo kor u qaaday dhoofka xoolaha suudaan.

 

waxa kale oo jira wadamo aad u danaynaya inay saami ku yeeshaan suuqa xoolaha bariga dhexe waxaana ka mid ah  Hindiya, Iraan, Baakistaan iyo wadamo kale oo ah Bariga Yurub.

 

Guntii iyo gabagabadii waxa looga fadhiyaa wasaarada xanaanda xooluhu in ay kor u qaado fidinta adeegyada caafimaad ee xoolaha  Somaliland isla markaana la hirgaliyo khubaro ku xeel dheer xoolaha nool  si xoolaheenu uga qayb galaan tartanka suuqa iibsiga xoolaha, wasaarada xanaanada xooluhuna waa inaanay ku koobnaan dhoofka sannadkii marka kaliya ah ee moosinka xajka ee waa in ay  raadisaa suuqyo kale iyada oo kaashanaysa dadka aqoonta u leh una dhuun daloola suuqyada xoolaha aduunka, mooganaanta wasaarada xanaanada xooluha ee suuqyada xoolaha aduunka gaar ahaan kuwa bariga dhexe waxa ay keeni kartaa in dhaqaalaha wadanku hoos u dhaco taas oo dalka ku keeni karta dib u dhac dhinac walba ah.

 

Maxamuud Cismaan Cabdi

Hargeisa Somaliland

Leave a Reply