Xiddig Godkiisii helay

0
974

Weriyenimadu inkasta oo ay ka mid tahay xirfadaha aqooneed ee la’barto haddana inteeda badan waa hibo ILLAAHAY bixiyo. Astaamaha saldhigga u ah weriyuhu inuu saameyn ku yeesho dhegaystayaashiisa waxa ugu mudan codka,doorashada iyo xulashada ereyada,weedheynta iyo dhisidda hadalka,humaageynta,sawirridda iyo soobandhigidda qodobka uu werinaayo,falkinta iyo falanqaynta dhacdooyinka iyo xaaladaha nololeed ee kala duwan,qurxinta iyo qodobaynta wararka iyo barnaamijyada. Astaamaha kale ee lagama maarmaanka ah weriyuhu inuu lahaado waxa ka mid ah: Awood hal-abuurnimo oo uu ku curinkaro Sheeko ama War i.w.m.

 Intaa dabadeed  araartaasi waxa ay hordhac u tahay sheekada ciwaankeedu yahay “Xiddig Godkiisii helay”. Hawraartani waxa ay haLku-dhig u tahay hambalyo ku socota Agaasimaha cusub ee waaxda Idaacaddaha Hargaysa. Aqoonta iyo waayo-aragnimada uu warbaahinta u leeyahay ka sokow waa aftahan qalambaawiya oo ka soo jeeda mid ka mid ah qoysaskii horseedka u ahaa hanaqaadkii Fanka Soomaaliyeed.  Waxaanu ka mid yahay ragga tirada yar ee hibada ku leh,callankana u sida qaybaha kala duwan ee warbaahinta Soomaaliland.   

Miyaan idinku dheereeyey? Hadday warcelintu tahay haa, halayga raali ahaado.  Inta aanan magac dhebin waxaan ka horreysiinayaa labo erey gaaban. Marka hore waa weriye rugcadaaya oo aan ubaahnayn ammaan badan. Maxaa yeelay xilli hore ayuu magaciisu soo gaadhay dhegaha bulsho-weynta af-soomaaliga ku hadasha  ee gudaha dalka iyo dibaddiisaba ku nool.

Marka labaadna waxaan u mahad naqayaa wasiirka w/warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Soomaaliland  mudane: C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse). Wasiirku waxa uu ammaan iyo bogaadinba ku helay  xiddigan godkiisii markuu la’helay. Marka saddexaadna waxaan u hambalyeynayaa Agaasimaha cusub ee waaxda Idaacadaha Hargaysa Qaryaan Xasan Maxamed yuusuf.  Aniga iyo in badan oo bulshada af-soomaaliga ku hadasha ka mid ahi waaanu ku diirsanay markay dhegahayaga soo gaadhay magacaabidiisu. Maxaa yeelay waxay ahayd  kaalin uu ku habboonaa in dhawr sanno ka horba loo magacaabo. Maantana maanu qawadin oo waa mahad ILLAAHAY.

Hambalyada ka sokow Agaasimaha cusub waxaan xusuusinayaa  maahmaahdii ahayd “Nin xil qaaday eed qaad”. Dulucda maahmaahda ka sokow Agaasimuhu waxa uu maamulayaa War iyo Weriye. Taasina waa arrin shar iyo kheyrba leh.

Ugu dambeyn Agaasimaha cusub waxaan ugu ducaynayaa inuu ILLAAHAY ku asturo una fududeeyo gudashada xilkiisa  iyo hawsha u taala (Aamiin).  Gebogebodiina waxaan ku sagootiyayaa maahmaahdii ahayd “GEESI ILLAAHAY MA’XILLO”.

Maxamed Axmed-beddel X.Maxamuud          

(Macallin Suugaanta ka dhiga Jaamacadaha Hargaysa iyo Beder)

Qalin-maal@hotmail.com

Leave a Reply