Baanka Dhexe Oo Zaad iyo E-Dahab Faray In Ay Adeeggooda Ka Dhigaan Somaliland Shillin

0
403

Hargeysa(Dawan):- Baanka Somaliland ayaa la sheegay in uu kala hadlay shirkadaha Telesom iyo Smtel in ay adeega Zaad iyo E-Dahan ee xawilaadda lacagaha in ay ka dhigaan Somaliland Shin isla markaana ay joojiyaan in adeega xawilaadda lacagaha ee lagu qaato simikadhadooda  isticmaalka Dolarka.

Wararka arrintan la xidhiidha ayaa intaa ku daraya in Baanka Somaliland labada shirkadood faray in lacagta Boqolka Dolar iyo wixii ka hooseeya ee loo isticlaamo Zaad iyo E-Dahab in ay ka dhigaan Somaliland Shilin isla markaana ay meesha ka saaran in dollar lagu kala bedesho lacagaha mobilka lagu sito ee suuqyada dalka la isugu gudbiyo.

Tallaabadan ayaa ah mid la doonayo in kor loogu qaado qimaha shilinka Somaliland isla markaana wax badan ka tari doonta hoos u dhigga sarif bararka qiimaha lacagaha qalaad.

Baanka dhexe ee Somaliland oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku hawlanaa hoos u dhigista sarifka lacagaha qalaad ayaa la sheegay in uu tallaabadan ku hawlan yahay isla markaana labada shirkadoodba ay ka wada hadleen in lacagta Dolarka ku qiimaysan ee lagu sito Simikaadhada Telesom ee adeegga Zaad iyo Somtel ee adeegga E-Dahab in loo bedelo Somaliland Shilin.

Dhinaca kale wali wax war ah oo arsmi ahi kama soo bixin Baanka Somaliland iyo  maamulka labada shirkadood midna.

Tallaabadan ayaa haddii ay hir gasho noqon doonta guul u soo hoyatay shilinka Somaliland isla markaana meesha ka saaraysa adeegsida dolarka ugu badan ee la isugu gudbiyo hababka Zaad iyo E-Dahab oo caqabad ku ah kor u qaadista qiimaha shilinka Somaliland.

Faysal Xiis Weerar (Afgaab)

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply