Qasriga : Naxariis Darada Boqorada Ingriis

0
401

Waxay ahayd Islaan da’ ah oo 70 sano kor u dhaaftay waxaana u dheeraa xanuun iyo daciif badan oo jidhkeeda ku jiray.  Boqor Henrry ayaa amar ku bixiyay in la dilo ka dib markii labadii wiil ee ay dhashay boqorka kaga hor yimaadeen fikradda uu qabay ee ah in Kiniisadda Ingriiska laga saaro tan Kaatoliga iyo Bobka Roma.  Arintan oo markii danbe keentay dagaal muddo dheer socday oo dhiig badani ku daatay ugu danbaystiina ka dhigay shacabka Ingriiska inay qaataan mad-habta Protestanka iyo soo bixitaankii kiniisidda Londona amd mad-hbata Englikanka.  Ma jirin denbi ay gashay oo lagu ciqaabo, markii la keenay qolka dilka ayay diiday inay korto salaanka dilka, ka dibna way jiideen oo xoog ku saareen. Ninkii faashka sitay ayaa kor u qaaday si uu qoorta uga jaro, muu ahayn nin tababaran sidaas darteed waxa uu kaga dhuftay garabka halkii uu qoorta ku goyn lahaa. Islaanta ayaa aad u qaylisay oo dhiig badani ka daatay xanuunkii faashka aan naxariista lahayn ee Boqor Henery. Isagoo markii danbena qoorta ka jaray oo halkaasi ku dilay.
Haddaba marar danbe ayaa lagu arkay qasrigan ciqaabku ka socday muuqaalka  Islaan weyn  oo timaheedu cirro yihiin oo qaylinaysa taasi oo ay ilaalida qasrig ku wareeraan kana naxeen shaybkaasi habeen badhka ka dhexe muuqda.
Markii uu dhintay boqrokii Edward IV, 4 April, sanadkii 1483  waxa uu ifka kaga tegay laba wiil oo yaryar oo 14 jir iyo 9 jir kala ahaa. Xukunkana waxa la wareegay  walaalkii Edward 5 boqorkan ayaa labada wiil ee uu adeerka u aha ku sheegay in aanay ahayn kuwo ku dhashay sifo sharci oo ay walaalkii dhalay, waxaana uu sidaasi u samaynayay si aanay xukunka ugu qabsan.  Ilaaladiisa ayuu amray in lagu  xidho qarsiga dhexdiisa. Waxaana lagu arki iyagoo ku ciyaaraya. Laakiin Bishii Decemebr sanadkii 1483-kii, dib looma arag labadan wiil , mana jirin cid sheegtay wixii taariikhdaasi ka danbeeyay cid ogina ma jirto ilaa maanta.
Wararka qaar ayaa sheega in boqorka adeerkood ahi uu amaray in lagu bakhtiiyo barkimooyinkoodii. Warar kalena waxay sheegaan in sun la siiyay ka dibana lagu aasay meel ka mid ah qasriga oo aan cidina garanayn. Si kasta oo ay tahay waxa cad in labadan caruurta ah aan dib loo arag wixii ka danbeeyay Decemeber 1483.

Leave a Reply