Hoggaamiye LRA ahaa oo loo Gudbiyay Maxkamadda ICC

0
595

Waxaa loo duuliyay magaalada Hague ee dalka Netherlands, Dominic Ongwen, oo ah sarkaal sare oo ka tirsanaa jabhadda Uganda ka dagaalanta ee LRA.
Waxaa la horgeynayaa maxkamada dembiyada caalamiga ah ee ICC, isaga oo loo haysto in uu galay xadgudubyo ka dhan ah bani’aadanka.
Dowladda Uganda ayaa ogolaatay in Ongwen lagu maxkamadeeyo ICC, walow uu dalkaasi dhaliilsan yahay maxkamadda.
ICC ayaa sheegtay in Ongwen lagu hayn doono dalkaasi Netherlands, ilaa iyo inta ay bilaabmeyso maxkamadeyntiisa.
Laba todobaad ka hor ayay ahayd markii uu Ongwen isu soo dhiibay ciidammo Mareykan ah, oo ku sugan Jamhuuriyada Bartamaha Afrika.
 

Leave a Reply