Mussolini: Doorka Keliga Taliyaha Iyo Marwada

0
427

Bishii April 18, sandakii 1945 ayay Clara Patchy ku qancisay Mussolini inuu iskaga tago qasrigan, si aan loogu dilin madaama dagaalkii lagu jabay. Wakhtigaasi ayay goosteen inay u baxsadaan dhinaca Switzerland. Maalin khamiis ah oo ay taariikhdu ahayd 20 April 1945  ayay  Mussolini , gabadhiisa labaad ee Calara Patchy iyo koox ilaaladiisa ah ay kiraysteen gaadhi shicib si ay u baxsadaan. Waxayna gaadheen magaalada Komo oo ah halkii ay ku dhalatay. Laakiin ciidankii Talyaaniga ee shuuciga aha aya ku qabtay xadka Switzerland. Waxaana loo soo qaaday qasriga weyn oo ku yaalay Roma. Musolini gabadhiisa iyo taageerayaashii la socday aya dil lagu qaaday bishii  October 22, sanadkii 1945. Waxana mayadkooda laga soo laalaadiyay Kaalin shidaal iyagoo madaxana hoos loogu jeediyay. Dadka ayaa dhawr maalmood daawanayay. Ugu danbaystiina waxa lagu wareejiyay maydkood ehelkooda si ay u asataan.  Keligii Taliye Hitler ayaa isuguna isla sanadkaasi ay gabadhiisa isku mar dhinteen ka dib 40 saacadood oo ay aroos ahaayen. Hitler iyo Eva Brown ayaa labaduba sun cabay si aanay u qaban ciidankii Sofiteetku. Sidaasi ayay madaxda madax adag u galaaftaan dumarka ay qabaan.

Leave a Reply