Dadkii Noolaa Ee La Xabaalay

0
3

In nolosha lagu aaso qofka isagoo oo nool oo aan dhiman waa dhacdo la yaab leh oo naadir ah, balse waxay dhacdaa marka masiibooyinka dabiiciga ahi ay dhacaan sida daadadka iyo dabeylaha dumaya guryaha, dagaallo, abaaro iyo cudurro sababa dhimasho badani.

Waxa ay keenaan in la saameyo xabaal wadareedyo badan, iyadoo laga yaabo in dadka qaarkood la aaso iyagoo nool khalad ku yimi degdega loo aasayo tirada badan ee dhimishada iyadoo laga cabsi qabo in xanuuno ka dilaacaan.

Qoraalkan waxa aynu ku eegi doona dad si khalad ah iyagoo nool loo aasay iyo dhibaatadii ay kala kulmeen.

Sanadkii 2013, Gabadh u dhalatay dalka Brazil ayaa booqatay xabaalaha magaalada Sao Paulo, si qof qaraabdeeda ah xabashiisa booqnaysay.

Gabadhan ayaa aad u naxday oo la yaabtay nin gacantiisu ka soo baxday qabrigii uu ku aasnaa. Isla markiiba waxay u sheegtay booliiska in xabaasha uu ku jiro qof gacantiisu ka soo baxday.

Booliiska ayaa yimi waana ay ka soo saareen isagoo nool laakiin aad u dhiban oo dhaawacyo ku badani ka muuqdaan.

Waxa uu ah shaqaale ka tirsan dawladda Hoose waxaana soo weeraray koox budhcad ah oo doonaysay in ay xoog kaga qadaan hantida uu sitay. Laakiin waxa uu isu difaacay si adag, waxaana ay keentay in ugu danbayntii ay jug weyn ku dhuftaan taasi oo keentay in uu miyir beelo, iyaguna  ay u malayeen in uu  dhintay , ka dibna waxa ay ku aaseen xabaalahan.

Ninkan inkasta oo la soo badbaadiyay haddana waxa ku dhacay xaalad nafsaani ah oo ay sababtay qabrigii uu ku dhex jiray mudada sida qoyskiisu sheegeen.

Dalka Shiinaha Magaalada Hefei ee xarunta Gobolka Anhui waxa ku dhashay ilmo yar. Dhakhatiirta ayaa ogaaday in ilmhan yari uu qabo cillad xagga neefsashada ah waxaana ay ku xidheen qalab hawada neefta ah siinayay.

Muddo bil ah markii ay ku xidhnayda ayay ka saareen iyagoo u maleeyay in uu dhintay oo aanu hawada qaadanayn. Wakhtigaasi ayaa la diyaariyay xafladdii ilmaha yar maydkiisa lagu gubi lahaa.

Markii wax kasta la soo diyaariyay xaabadii iyo agabka kale ee looga baahnaa gubidda ayaa ilmihii yara ee loo haystay in uu dhintay uu ooyay, dadkii goobta joogay oo dhana ayaa wada argagaxay oo gartay in uu weli nool yahay. Ilamah neefsahadiina ay caadi noqotay.  Marka qofka Allah dilayo keliya ayuu dhimanaya, laakiin waxa muhiim ah in aad loo hubiyo qofka dhimashadiisa saxda ah (Source: Kabus)