Tirada Agaasimeyaasha Guud ee Shalay Barkinta Dheeraystay iyo Kuwii Xafiisyadooda u Soo Shaqo Tagay

0
415

Hargaysa (Dawan): Qaar ka mid ah agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha dawladda ayaan shalay xafiisyadooda ka soo xaadirin xiligii loogu tallo galay in ay yimaadaan si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.Halka qaar ka mid ah  agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha ay subaxnimadii hore ee shalay-ba  xaadir ku ahaayeen xafiisyadooda, si ay waajibaadkooda shaqo u gutaan.

Weriyeyaal ka tirsan  wargeyska DAWAN,  shalay subax kormeer ay ugu kuurgalayeen habsami u socodka shaqadda  wasaaradaha waxay ku tageen 16 ka mid ah wasaaradaha dalka intii u dhaxaysay 7-dii illaa 9:30 subaxnimo ee shalay. Waxaanay darsayeen inta agaasime ee xafiisyadooda u soo jarmaaday 16-kaas wasaaradood ee aanu booqanay.

Agaasimeyaasha guud ee shalay soo shaqo tagay waxay kala ahaayeen Agaasimeyaasha  guud ee wasaarradaha boosaha iyo isgadhsiinta Faysal Cali Sheekh, agaasimaha guud ee wasaarada diinta iyo awqaafta Aadan C/laahi Cabdale, agaasimaha guud ee wasaarada dib u dejinta Maxamuud Jibriil Yoonis, agaasimaha guud ee wasaarada cadaalada Khadar Axmed Diiriye, agaasimaha guud ee wasaaradda  arrimaha dibada Maxamed Xasan, agaasimaha guud ee wasaaradda   waxbarashada.

Waxaanay  agaasimeyaasha qaarkood na tuseen  mishiin yar  oo shaqaaluhu aroortii  farta saaraan oo lagu kaantaroolo habsanka shaqaalaha.

Agaasimeyaasha wasaaradaha beeraha, xanaanada xoolaha, gaashaandhiga, maaliyada, kalluumaysiga, nooma suuragelin in aanu aragno laakiin waxa ay xoghayntoodu noo sheegtay in ay xadhiyeen xafiisyadooda, iyadoo qaarkood naloo sheegay inay shirar ku jireen.

.

Dhinaca kale waxa iyagu ka maqnaa oo intii   u dhexeeyay 7:20 ilaa 9:20 subaxnimo ee shalay oo aan   xafiisyadooda joogin ama ka maqnaa   agaasimeyaasha wasaaradaha caafimaadka, arrimaha gudaha, hawlaha guud iyo ciyaaraha. Iyadoo aanaan wada gaadhin wasaaradaha oo dhan.

Agaasimeyaasha Guud ee wasaaradaha oo ah mishiinka wada socod siinta shaqooyinka wasaaradaha ayaa muddooyinkan u dambeeyay cabasho isa soo taraysay ka soo yeedhaysay bulshada oo walaac ka muujiyay agaasimeyaasha guud oo saacadaha ay xafiisyada fadhiyaan noqdeen qaar aad u kooban, iyagoo ku hawlan arrimo siyaasadeed oo ka baxsan waajibaadka ay qaranka u hayaan. Waxase loo baahan yahay in agaasimeyaasha guud noqdaan kaalintooda fahma.

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply