“Waxaad Tihiin Kuwa Dalka Difaacaya Ee Mar walba Diyaarka u ah inay Naftooda u Huraan Qaranka”Madaxweyne Siilaanyo

0
424

Gambadha (Dawan): Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay booqday fadhiisimadda ciidanka qaranka ee Aaga bariga dalka, gaar ahaana jiidda Gambadha.

 

Madaxweyne Siilaany iyo weftiga uu hogaaminayo oo shalay ka kicitimay magaaladda Burco ayaa soo maray deegaamo ka tirsan gobolka Sool, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Yagoori, Adhi-cadeeye, Guumays, Laascaanood iyo Gambadha oo fadhiisin u ah cutub ka tirsan ciidanka qaranka.

 

Weftiga madaxweynaha ayaa dhamaanba deegaamadaasi uu maray si weyn loogu soo dhaweeyay, iyadoo soo dahweyntiisa ay ka qayb qaateen shacabka ku dhaqan deegaamadaasi oo aan u kala hadhin iyo sidoo kale   ay soo dhaweyntaasi ka qayb qaateen ciidamadda qaranka ee jiidahaasi.

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa kulan kula yeeshay magaaladda Laascaanood waxgaradka iyo madax-dhaqameedka, aqoon yahanka  iyo qaybaha kale ee bulshadda ku dhaqan magaaladdaasi, kulankaasi oo ka qabsoomay huteelka Xamdi ee ku yaalla magaaladda Laascaanood.

 

Badhasaabka gobolka Sool, Maxamed Faarax Aaden oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay kulanka uu madaxweynuhu la yeeshay, isagoo weftiga  uu madaxweynuhu hogaaminayo uga mahad naqay booqashadda ay ugu yimaadeen.

 

Intaasi ka dib madaxweynaha iyo weftigiisu waxay u sii gudbeen dhinaca deegaanka Gambadha oo fadhiisin u ah cutub ka tirsan ciidanka qaranka ee aaga bari, iyadoo halkaasi uu madaxweynuhu salaam sharaf kaga qaatay ciidamadda.

 

Madaxweyne Siilaanyo, halkaasi kula hadlay ciidamadda Aaga Gambadha ayaa si qiiro leh ugu bogaadiyay sida ay waajibaadka qaran u gudanayaan ee ay hadh iyo habeenba ugu heeganka yihiin dicaafa dalkooda.

 

Waxaanu yidhi “Sharaf weyn bay noo tahay aniga iyo Weftiga ila socdaba  in aanu u nimaadno Ciidamada qaranka, aad baanu idinku faanaynaa oo Ummaddu idiinku faantaa. waxaad tihiin dadkii dalka iyo Shacabka difaacayay ee heeganka u ahaa,  oo mar walba diyaar u ah inay  naftooda u huraan difaaca qaranka, midnimada iyo wada-jirka dalka.

 

 Anaguna aad baanu idiinku faanaynaa waxaanan idinku nimid in aanu aragno xaaladiina, inkasta oo hadana xaaladiina ay nooga waramaan masuuliyiintiinu, laakiin in aanu idiin nimaadno oo aanu indhahayaga idinku soo aragno ayaanu idinku nimid oo aanu idiin mahad-naqno oo aanu idin bogaadino, waanan idinku faanaynaa.”

 

Dhinaca kale madaxweynuhu waxa uu kulan kula yeeshay magaaladda Gambadha madax-dhaqameedka deegaankaasi, iyagoo sheegay in ay nasiib u heleen in deegaankoodu uu fadhiisin u noqdo ciidamadda qaranka.  

 

 

Sidoo kale wasiirka Gaashaan dhiga Axmed Xaaji Cali Caddami, oo isna ka mid ah wasiirrada la socda weftiga madaxweynaha oo la hadlay ciidanka qaranka ee aaga Gambadha ayaa sheegay in hadyadda ugu weyn ee uu madaxweynuhu u sido ciidamadda ay tahay in uu hortooda yimaado, iyadoo looga marag kacayo sida ay u gudanayaan waajibaadkooda qaran.

Wasiirr Cadami, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi   “Waxaanu idinku nimid warar badan oo wanaagsan oo iska soo daba-dhacayay  oo ka imanaya Ciidamada qaranka oo ku saabsan sida ay heeganka ugu yihiin difaaca qarankooda iyaga oo aan cidna wax amaanaysiinaynin, waana waxa ugu weyn oo ah in Ciidamada Hadyad loo siiyo, ama Boqorka ama Madaxweynaha qaranka inuu hortooda tago.

 Waa qiraal laga markhaati kacayo oo la leeyahay waad gudateen xilkii iyo waajibkii idin saarnaa, waana la idinka sugayaa idinka oo is xil-qaamaya iyo iyada oo kala dambayntii Ciidanimo ay taalo aan ceeb la idinka soo sheegayn in la idin mahad-naqo oo Madaxweynaha qaranku idin horyimaado oo waxa uu aaminsan yahay iyo fikirka Ummadda Somaliland idinka qabto isagaa markaa Madaxweynihii qaranka ah oo qaba.”

 Dhinaca kale  Taliyaha Ciidanka qaranka Sareeyo  Gaas  Ismaaciil Maxamed Shaqale,  oo isna halkaasi ka hadlay ayaa mwadaxweynaha qaranka ku soo dhaweeyay  cutubka ka tirsan ciidamadda qaranka ee aaga Gambadha.

“Waxaan idinku soo dhaweynayaa Madaxweyne goob ka mid ah goobaha ay degan-yihiin Ciidamada qaranka  Jamhuuriyadda Somaliland  oo  ka tirsan  Aaga bari.  waxaa  maanta (shalay), Ciidanka qaranka siiba qaybaha Aaga bari waxa sharaf  u ah in Madaxweynahoodu u yimaado,  si uu u arko xogogaalna ugu noqdo Ciidanka uu u yahay Taliyaha guud, sharaf  weyn bay noo tahay.

Mudane Madaxweyne halkan Ciidanka joogaa waa qayb ka tirsan Ciidanka qaranka, waxaan ku amaanayaa sida ay uga soo baxeen hawsha qaran iyo waajibaadka ka saaran difaaca dalkooda” ayuu yidhi taliye Shaqale.

 

Sareeye Gaas, Shaqale ayaa ku amaanay madaxweynaha  safarka uu meesha fog uga yimid ee uu ciidamadda qaranka  ee jiida hore ku soo maray. Waxaanu yidhi “Madaxweyne waxaanu kugu amaanaynaa safarka aad meesha fog uga timid,  si aad u aragto nolosha Ciidanka, sida ay u nool-yihiin.  Saanadooda iyo sidaad u indho-indhaynayso xaalada Gobolada, Degmooyinka iyo Tuulooyinka uu ka kooban  yahay dalkan  Somaliland.”

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo sheegay in socdaalka madaxweyne Siilaanyo yahay  markii labaad “Marka u horraysa ma aha markii u horaysay ee madaxweynuhu intii uu xilka hayay uu Laascaanood yimaado, waa markii labaad ee uu yimaado, safarkanna waxa uu ku xidhiidhsan yahay socdaal aanu ka soo bilownay degmadda Baki ee gobolka Awdal, waxaanan soo marnay galbeed oo dhan deegaamadii xuduudaha ku yaalla oo dhan. Ujeedadiisuna waa xog ogaal u noqashada xaaladda dadweynaha. Madaweynahana xilalkiisa ayay tahay inuu xog ogaal u noqdo bulshadiisa.

 

Safarkan oo kale waxtar ayuu u yahay bulshadda oo madaxweynahooda ayay waxay tabanayaan u sheeganayaan, isna waxa uu u sheegaa waajibaadka saaran qofka muwaadinka ah.”

Wasiir Cukuse waxa uu sheegay in gobolka Sool uu gaadhay sannadihii u dambeeyay horumar balaadhan, waxaanu ku amaanay reer Laascaanood nabad-gelyada ka hirgashay gobolkaasi. Waxa kale oo uu ka sheekeeyay in markii madaxweyne Siilaanyo xilka qabtay uu markiiba ku dhawaaqay inuu gogol nabadeed u fidiyay cidii wax ka tabanaysa ee ka soo jeeda gobolka Sool.

 

Madaxweynaha iyo weftigiisu markii ay socdaalkoodii gobolka Sool soo dhamaysteen waxay dib ugu soo laabteen magaalada Burco.

By: Khaalid Xabsi

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply