Geerida Boqorkii Sacuudiga iyo Boqorka Cusub

0
391

Boqor Salmaan Cabdicasiis ayaa noqday boqorka cusub ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya kadib markii uu geeriyoodey boqorkii hore Cabdallah binu Cabdicasiis.
Saraakiil ka tirsan boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa shaaciyay in boqor Cabdallah Bin Cabdulcasiis uu ku dhintay isbitaal ku yaalla magaalada Riyaadh, halkaa oo tan iyo bishii December looga daweynayay xanuunka oof wareenka ama kolba aaryo.
Waxa uu ahaa sagaashan sano jir.
Waxaa dhaxlay walaalkii ay isku aabaha yihiin oo lagu magacaabo Salmaan.
Boqor Cabdalla ayaa xukunka la wareegay sanadkii 2005-tii, kaddib markii uu geeriyooday walaalkii ay isku aabaha ahaayeen boqor Fahad.
Boqor Cabdalla ayaa isbedello dhowr ah ku sameeyay Sacuudi Carabiya, waxaana ka mid ahaa in uu haweenka dalkaasi u ogolaaday in ay codkooda dhiiban karaan xilliyada doorashada, iyo isbedello ku aaddan booliska dalkaasi.
 
 

Leave a Reply