Madaxweyne Siilaanyo Oo Tartan Ciyaareed Ku Soo Gabo-gabeeyay Berbera

0
372

Dardaraankii Madaxweynaha Ee Da’yarta Berbera, iyo Dabuubtii Dadweynaha Ee Socodka Weftiga

Berbera(DAWAN) – Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maalintii sagaalaad shalay ku gudo jiray socdaalka shaqo ee uu ku marayo gobolada dalka, ayaa shalay galab magaalada Berbera kaga qeyb galay daawashada ciyaar kama dambays ahayd oo lagu soo gabo-gabeynayay tartan loogu magac-daray “Wax-qabadka xukuumadda” oo ka socday garoonka Maayar Cabdalla ee Magaalo xeebeeda Berbera. Madaxweynaha waxa kala qeyb galay daawashada ciyaartaas xubnihii weftigiisa, waxaanay halkaasi ku daawadeen ciyaar aad u xiiso badnayd oo dhex martay kooxaha kubadda cagta ee Dawlada hoose iyo wakaalada biyaha Berbera, waxaanay labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar adag oo qancisay dadweynihii ka soo qeyb-galay. Ciyaartaasi waxay ku soo gabo-gabowday barbar dhac ay labada kooxood isla dhaafi waayeen 1-1 gool, waxaana rikoodheyaal loo dhigay ku guulaystay kooxdii ku ciyaaraysay magaca wakaalada Biyaha Berbera. Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa kooxdii ciyaartaas ku guulaysatay gudoon siiyay koobkii loogu tallo-galay. Waxaanu hadal kooban oo uu u jeediyay ciyaartoyga Bebera oo ku booriyay inay dedaal weyn u galaan sidii ay u horumarin lahaayeen xirfadooda ciyaaraha. “Aad baan ugu faraxsan nahay inaan maanta (shalay) dhalinyarrada kala qayb-galo daawashada ciyaarta oo runtii laba kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar wanaag,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland. Sidoo kalena waxa madaxweynaha Somaliland isla shalay galab soo kormeeray xaafadaha ay degan yihiin dadka danyarta ahi,waxaanu goob joog ka ahaa dawlada Hoose ee Berbera oo u qeybisay qalab soollar ah oo ay kaga maarmi doonaan inay laydh soo xidhaan. Madaxweynuhu waxa kale oo uu shalay duhurkii dadweynaha Berbera la tukaday salaadii jimcaha, waxaanay qaar ka mid ah dadweynuhu madaxweynaha ku ammaaneen sida kalsoonida leh ee uu mar walba shacbigiisa u dhex socdo isagoo aan wax wer-wer ah ka qabin ammaanka dalka.

By: Yoonis M.Jaamac

Leave a Reply