Telefishan Caalami ah oo Warbixin Ku Faaqiday Dawladnimada Somaliland

0
420

Hargeysa (DAWAN)- Warbaahinta caalamka oo had iyo jeer wax ka qorta waxyaabaha ka socda Somaliland, ayaa waxa dhawaan ka warramay sida ay Somaliland uga hirgeleen dimuqraadiyadda, degganaanshaha iyo horumarka bulsho, halka ay Soomaaliya oo caalamku taageeraa ay ilaa hadda ka jirto degganaansho la’aan baahsani Weriyeyaal ka socday Telefishanka caalamiga ah ee National Gepgrphay oo booqasho ku yimi Somaliland ayaa tilmaamay horumarka la yaabka leh ee ka socda iyada oo aanay jirin caalamka cid taageero siisaa. Waxa uu soo qaatay muuqaallo kala duwan oo ka hadlaya horumarka dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha bulshadaba. Telefishanku waxa uu sheegay in ay Somaliland ka jiraan waxyaabo badan oo la yaab lihi, waxaanu soo daayay muuqaallo muujinaya horumarka ka socda, isaga oo soo qaatay suuqyada, meheradaha casriga ah ee ka furan, lacagaha lagu kala beddelanayo iyo sida uu ammaanku u sugan yahay. Waxa kale oo uu ka warramay Somaliland oo iskeed isku taagtay 1991-kii inay ka hirgaleen doorasho dimuqraadiyadeed, ayna xukunka si dimuqraadi ah ay xukuumado iskaga beddeleen. Waxa uu ka hadlay diiwaangelinta muwaadiniinta oo safaf ugu jira sidii ay isu diiwaangelin lahaayeen kana hadlaya sida ay ugu adag yihiin madaxbannaanidooda oo aanay marnaba uga mid noqon doonin Soomaaliya. Telefishanka National Gepgrphay waxa kale oo uu soo qaatay dhibaatooyinkii ka dhashay dagaaladii dib u xoreynta, waxaana ka waraystay Guddoomiyaha Guddiga Baadhista Xasuuqa Khadar Axmed oo sheegay in uu ku howlanaan doono inta uu nool yahay soo ururta, rikoodhka, markhaatiyada macluumaadka dilkii, iyo xasuuqii ka dhacay dalka xilligii xukunka milateri, isla markaana aanay ka hadhayn ilaa maxkamadda la horkeenayo dadkii xasuuqaasi sameeyay. Khadar waxa uu soo mariyay weriyaha Telefishanka goobihii xabaalaha ee dib loo aasay iyo xabaalo wadareedyada Hargaysa. Isaga oo xusay in ay geysteen xasuuqan milaterigii Soomaaliya, xilligii kacdoonada shacbigu jireen, “diyaaraddii ka kacday Hargeysa ayaa haddana duqaysay dadkii Hargeysa. Waxa aan adduunka ka codsanaynaa in la nala aqoonsado, haddii ay nagu qaadanayso kun sanno, waxaan sii ahaan doonaa Jamhuuriyadda Somaliland,”, ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka Xasuuqu, waxaanu intaas raaciyay “Weligayana kuma noqon doono walaalahayagii hore ee Soomaaliya.” Telefishanka National Gepgrphay waxa uu soo bandhigay madax-bannaanida Somaliland iyo sida ay dadkeedu ugu adag yihiin jiritaankeeda. Muuqaallada uu Telefishanku muujiyay waxa ka mid ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud oo dhex lugaynaya jidadka caasimada, waxaanu ka warramay in ay Somaliland ka jirto nabadgelyo iyo degganaansho la isku haleyn karaa. Madaxweynaha Somaliland waxa uu u sheegay warfidiyeenka in ay Somaliland wax qabsatay kelideed iyada oo aan wax gacan ah ka helin beesha caalamka, ururada iyo xubnaha QM oo aanay si buuxda uga mid ahayn, haddana ay sida ugu habboon uga howl-galeen dedaalkooda, ayna si adag wax ugu qabsadeen iskood. Telefishanku waxa uu soo daayay muuqaallo ku saabsan xoolaha nool ee ka dhoofay dekedda Berbera sida lo’da , geella iyo adhiga oo la marinayo caafimaadkii iyo iyada oo lagu rarayo maraakiibtii.Waxa uu sheegay in dhaqaalaha Somaliland ku xidhan yahay dhoofka xoolaha nool.

Leave a Reply