Urur Deeq Gaadhsiiyay Qaybta Dhimirka Ee Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa

0
403

Hargeysa, (Dawan)- Ururka Maan Kaab oo fadhigiisu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa  deeq gaadhsiiyey dadka ku jira qaybta dhimirka ee cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.
Munaasibad lagu wareejinayey deeqdaas oo lagu qabta cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka qayb galay agaasimha cusbitaalka  Dr. Axmed Cumar Askar , agaasimaha waaxda dhimirka Dr. Mustafe Xuseen Xirsi iyo xubno ka tirsan guddida ururka samo falka ee Maan-kaab.
 
Ugu horeyn Maxamed Cawil Xuseen oo ka tirsan guddida ururka Maan-kaab ayaa hadal uu ka jeediyey munaasibadaas sheegay in deeqdaasi ay ku tabaruceen xubnaha ururkooda ee ku dhaqan magaalada London ay ka kooban tahay raashin, dhar, saabuun kala duwan iyo agabka loo isticmaalo nadaafada bukaanka iyo ta cisbitaalka .
“Aniga oo ku hadlaya magaca ururka Maan-kaab oo hada labaatan jirsaday, labaatankaa sannana caawinayey qaybta dhimirka cusbitaalka waxaanu u keenay caanihii oo labaatan kartoon ah, Sabuuntii dharka iyo jidhka , qalab nadafadeed iyo dawooyin. Sidoo kale waxaanu u keenay dhar rag iyo dumar ah oo dhamaystiran , waxaanu fursadan uga mahad-celinaynaa dhammaan ciddii gacanta ka gaysatay, caawimada dadkaa xanuusanayaa reer maaha ee waa in cidkasta ay ka qayb qaadataa. Waxa kale oo jirta laba meelood oo aanu dhisnay oo qaybtan dhimirka oo ay bukaanku ka baxsan jireen ama ka dhici jiree.” ayuu yidhi Maxamed Xuseen Cawil.
Sidoo kale waxa munaasibadaas hadal kooban ka jeediyey Cabdiraaq Ibraahim Canjeex oo ka tirsan guddida ururkaas , waxaanu yidhi. “Ururkan waxaanu aas-aasnay 1995-kii  intaa ilaa maanta waxa aanu si toos u caawinaynay qaybtan dhimirka, waxa tan ka horeysay inaanu soo gaadhsiinay sannad ka hor lacag aad u badan  sannadkii, waxaanu usoo dirnaa 10000 ilaa 5000 oo doolar.Waxaanu sheegaynaa saaxiibaday in si fiican loo gaadhsiiyo deeqaha aad ku yaboohdaan, dadkan maskax ahaan u xanuusanaya, balse baahidu maaha mid dhammaatay ee waa inaanu sii wadno sidii aynu wax ugu qaban lahayn markasta.”

By: Siciid Cagjar

Leave a Reply