Shirkadda Samsung Oo Qaab Cusub U Soo Saaraysa Taleefankeeda Samsung S6

0
386

Warbixin cusub oo ay soo saartay shirkadda samaysa mobile-lada ee Samsung ayaa lagu sheegay inay hadda wado shirkaddaasi soo saarida nooc cusub oo ah mobileka loo yaqaano Galaxy S6,kaas oo u samaysan hab ka duwan habkii uu hore ugu samaysnaa.
Shirkadda ayaa warbixintaasi ku sheegtay inay mobile kaasi ka samaynayso quraarad,halka ay markii hore ka samayn jirtay caag iyo bir isku jira,laakin uu kani ka duwanaan doono kuwaasi hore qaababka samays ee uu u samaysan yahay ,isaga oo kana tayo badnaan doona kuwaasi hore.
Mobile-kan ayay tilmaameen inuu la mid noqon doono dhinaca qaabka kuwii hore ee ay soo saari jireen,inta keliyaata ee uu kaga duwanaan doonaana uu noqon doono dhinaca muraayada uu ka samaysan yahay,isaga oo qaab dhismeedkiisuna noqon doono sida qaab dhismeedka  Iphone 4.
Sidoo kalena waxa uu u qaab ekaan doonaa nooca kale ee lagu magcaabo Sony Xperia Z,kaas oo isna la filaayo in loo sameeyo laba lakab oo isa saaran,kuwaas oo kala noqonaaya laba dhinac ee hore iyo dib,waxaana hareeraha lagaga xidhi doonaa bir dhalaalaysa oo lagu adkeeyo quraaradaasi lagu samaynaayo mobile kaasi.
Waxa kale oo aad u adag sidii loo bedelan lahaa beytariga telefonkaasi,iyada oo ay aad u adag tahay  in lala baxo beytarigaasi,iyada oo sidoo kalena lasoo bandhigay Project cusub oo lagu samaynaayo noocyo kala duwan oo mobiles ah.
Taleefankan ayaa la filayaa inuu gebi ahaanba ka duwanaado kuwii hore,kaas oo kaga gedisnaan doona qaybo kala duwan oo ay ugu horeyso dahaadhka sare,sidoo kalena waxa uu kaga duwanaan karaa siday sheegeen dhinaca programs-ka u jira mobile-kaas.
Waxaanu noqon doonaa mid shabaha ayna isku dhow yihiin Samsung S5 oo sannadkii hore lasoo saaray,iyada oo la rajaynaayo inuu isla sannadkan soo baxo mobile kani.
Waxaana sidaas lagu yidhi warbixin lagu qoray boga internet-ka ee lagu magcaabo Daily Koreannews oo laga lee yahay dalkaasi Korea.
 

Leave a Reply